
Axmed Kaysi oo ahaa nin da’ah oo lagu eedeeyay in uu la shaqaynayay Sirdoonka dalka Maraykanka ayaa waxaa lagu Toogtay fagaaro kuyaala xaafada suuqa xoolaha ee magaalada Muqdisho.
Markii ugu horaysay ayaa waxaa ladaawaday muuqaalo cadaynaya shaqooyinka uu qaban jiray Axmed Kaysi iyo xiriirka uu la lahaa FBIda Dalka maraykanka.
Muuqaaladaan oo laga soo daayay TVga xarakada Al-Shabaab ee Al-Kataaib oo kuyaala magaalada Muqdisho ayaa Axmed Kaysi waxa uu ku qirtay inuu xariir lalaa Sirdoonka Maraykanka.
“Hada ka hor ayaan tagay wadanka Jabuuti markaasi ayaa waxaa iqabtay sirdoonka wadanka Maraynka kadibna way ixiriin madaxa ayay jawaan iigaliyeen labada gacmood ayay iga xireen waxa ay igu qasbeen in aan labo mid doorta oo ah in aan ayaga la hadlo iyo in laygu xiro xabsiga Guwantanama Bay, waxaan doortay in aan la hadlo kadibna wax ay isheegeen in ay u baahanyihiin in aan la shaqeeyo isla markaan aan u ugudbiyo sirta kooxaha islaamiga ahaa ee ka dhisnaa wadanka…”ayuu yiri Axmed kaysi.Sii Akhri
No comments:
Post a Comment