Thursday 10 February 2011

Ciidamo ka tirsanaa Somaliland oo usoo Goostay Buuhoodle

Ciidamo ka tirsanaa Somaliland oo usoo Goostay Buuhoodle

Posted: 7 hours ago | 4 comments
 0Share
Ciidamo ka tirsan maamulka Somaliland gaar ahaan kuwa ku sugnaa aaga degaanka Kalshaale ee gobolka Cayn ayaa lagu soo waramaaya in ay usoo goosteen dhanka magaalada Buuhoodle ee xarunta gobolka Cayn.
Wararka aanu ka helayno magaalada Buuhoodle ayaa sheegaaya in Ciidamadaas ay wateen ugu yaraan 6-baabuur oo nooca dagaalka iyo Sarkaal hogaaminaaya ay shalay gelinkii dambe usoo goosteen dhanka iyo Buuhoodle.
Sarkaalka hogaaminaayay oo lagu magacaabo Col.Dalbac ayaa sheegay inuu u adkaysan waayey dhibaatada Somaliland ay ku hayso beesha uu ka dhashey,wuxuuna ballanqaaday inuu difaaci doono oo ula dagaalami doono Ciidamada Somaliland.
Masuuliyinta gobolka Cayn ee Puntland ayaa Horseed Media u sheegay inuu watay sarkaalkaas inka badan 100-askari si weyna lagu soo dhoweeyey magaalada Buuhoodle.
Col. Dalbac ayaa horey uga tirsanaan jirey ciidamada Puntland waxaana uu u diga rogtey maamulka Somaliland sanadkii 2007, waxaana uu kamid ahaa saraakiishii hoggaamineysey ciidankii qabsadey magaalada Laascaanood sanadkii 2007.
Horseed Media

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...