Thursday 10 February 2011

Dr Cali Warsame: Mideynta ONLF & Al- Shabab Mujahideen yey faaiido ugu jirtaa?

Mideynta ONLF & Al- Shabab Mujahideen
Dr Cali Warsame
Machadka Istiratijiyada Siyasada ee Geeska Africa
Waxaan warar lagu kalsoon yahay aanu ku helney in la mideynayo ONLF & Ururka Al-shabab ,oo maamlmahan u socdey wada hadal halkoos oo ay ku sugan yihiin magalada Kismaayo Wafti ka socda ONLF Qoladii diidey in ay wada hadal la galaan Dowlada Ethopia .
Wada hadaladan ayaa aad usoo dhaweeyeen al-shabab oo mudo dheerba raadineysey in ay xiriir xoog leh la yeelato qoladan xaq u dirirka ah ee diidey in ay hishiis la galaan Dowlada Ethopia. Waftigan ayaa maalintii sadaxaad uu ku sugan yahay Magalada KIsmaayo , waxaana qaabilay madaxa sare ee al-shabab ninka ugu sareeyo ee loo yaqaan amir Godane.
Waxyaabaha laga wada hadlayo ayaa waxa ka mid ah sidii loo mideyn lahaa labadan urur oo wada shaqeyn xoogana ay u wada dhexmari laheyd iyo sidii ay isku taakuleen lahayeen.
Waxa iyaduna meesha ka marneyn in midenta labadan urur ay noqoneyso mid dhankasta saameysa magac iyo mowqifba, waxa ay iisheegeen qoladan aan khabarka ka helay in ay guulo ku socdaan wada hadalka oo intii badna lagu hishiiyey , waxaana ay iisheegeen in shir saxafadeed ay wada yeelan donaan ,halkaas oo ay ku sheegayaan mideynta labadan Urur.
Ahamiyada ay lee dahay mideyntan
Waxa ay u leedahay labada urur ahamiyad weyn in ay midoobaan, waxaanu ogsoonahay faaĆ­ido weyn in ay ugu jirto ONLF oo aad moodid in ay Ethopia muquunisey awodeedii , iyadoo kala jabin ku sameysey ONLF dhexdeeda.
Waxa adkaadey in ay taakula hesho ONLF ,taasoo iskugu jirta mid Militery iyo Dhaqaale labadaba, sidaas darteed ayaa waxa ay cayaareysa  ONLF Siyasad ku dhisan xulufo sida ay ku heli laheyd iyo taakulo, waxaana u arka aniga aragtideyda in ay ONLF ay doorbidey al-shabab madaama al-shabab ay u aragto cadow Ethopia ,in lala dagalamona ay u aragto wax waajib ah.Sii Akhri

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...