Dibadbaxan oo ay wadaan dhalinyaro reer Muqdisho oo kaashanaa haween iyo arday ayaa looga soo horjeeda DKMG ah iyo Xarakada Shabaab oo dadku ay sheegeen inay ku dul dagaalamaan shacabka tabaaleysan, waxayna dibadbaxayaashu sheegeen inay ka dhiidhinayaan arintaasi.

Dadka mudaaharaadayey ayaa saaka ka bilaabay degmada Xamarweyne oo ay ku yaallin xafiisyada DKMG ah badankood waxayna socod ku mareen xafiiska gudoomiyaha gobolka Banaadir iyagoo ugu dambentii gaaray iridka hore ee xarunta madaxtooyada Vila Soomaaliya.
Dibadbaxa ayaa sii xoogeystay kadib markii dadka ay ku soo biireen kooxda BAMBEYDA qaranka oo sita qalabkooda isla markaana garaacayey astaanta qaranka Soomaaliyeed iyo dadweyne fara badan kuwaasoo ku dhawaaqayey ereyo ay ka mid yihiin “XAMARAY HA IS XAQIRIN,.. WAXAAN RABNAA NABAD & NOLOL”.. iyo ereyo kale.Read More
No comments:
Post a Comment