Friday 11 February 2011

Feysal Cali Waraabe oo Khiyaano Qaran ku Eedeeyey Xukuumada Siilaanyo Kuna Baaqay in La Maxkamadeeyo Wasiirkii ka Qeybgalay Shirkii London

Feysal Cali Waraabe oo shir saxaafadeed ku qabtay magaalada Hargeysa ayaa sheegay in xukuumada Siilaanyo ee xisbiga Kulmiye ay dadka khiyaameeyeen kadib markii sida uu sheegay ay la fariisteen DKMG ah ee Soomaaliya taasoo aan aqoonsaneyn gooni isu taagga Somaliland.

Hargeysa (RBC) Hogaamiyaha ururka mucaaradka ee UCID yaa ku eedeeyey xukuumada Axmed Siilaanyo inay gashay khiyaamo qaran isagoo ku baaqay in la maxkamadeeyo wasiirkii xukuumada Somaliland uga qeybgalay shirkii dhawaan ka dhacay magaalada London.
“Waxaan cadeyneynaa in xukuumada Siilaanyo ay ku kacday khiyaamo qaran oo ka horjeeda jiritaanka dawladnimada Somaliland taasoo hareermarsan dastuurka iyo wixii ay ummada u ballanqaadeen”, ayuu yiri Feysal Cali Waraabe.
Feysal Cali Waraabe ayaa eedeyn gaar ah u soo jeediyey wasiirkii dhawaan maamulka Somaliland uga qeybgalay shirk u saabsanaa horumarinta gargaarka bani’aadanimo ee Soomaaliya oo lagu qabtay London ayna soo qabanqaabiyeen Midowga Europe. Shirkaasi oo ay ka wada qeybgaleen DKMG ee Soomaaliya, Puntland iyo Somalilan
Sii Akhri

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...