Tuesday 22 February 2011

Gabar Mareykan ah Oo La Soo Baxday Mucjiso Hor Leh ( Warbixin+Sawiro)

Florida ( RBC Radio )  Waa Sheeko Marka aad Aragto Akhristow Aad u dhaxeynayso Qosol iyo Amakaag Waxaana sheekadan ay Tahay Warbixin Dhawaan uu soo Qoray Waregeyska Daily Mail Ee Ka soo baxa dalka Ingiriiska ayaa Sheegeysa in Haweeney Lagu Magacaabo Tempestt Henderson Sameyso Falal Naxdin Iyo Yaab Leh.
Miss Henderson Oo Ah Haweeney 19 sano jir ah ayaa ku Nool dalka Mareykanka Gaar ahaan Gobolka Florida Waxaana ay Caado iyo dhaqan Ka dhigatay Cunista Saabuunta Lagu Qubeysto iyo Waliba Cabista Oomada.
Waa arin La Yaab leh Marka La eego Dhaqanka Henderson Warbixinta ayaa Tilmaameysa in Gabadhan ay Isticmaasho Asbuucii Shan Kartoon oo Saabuun iyo Oomo iskugu Jira Waxaana arintaasi Walaac ka muujiyay Ehelka Gabadan oo La sii Yaaban Iyadoo Wali aan Wax Dhibaato ah Ka  soo Gaarin Gabadha.
” Waxaan dareemay Markii Ugu Horeysay oo Saabuunta aan Cunay Oomadana iskaga Dajiyay Raaxo Iyo Waliba Jeceel Hor Leh Oo aan U Qaaday Cunista Saabuunta iyo Cabista Oomada Xiligaasi oo aan Dhaqayay Dhar aan Leeyahay” Ayeey Hadalkeeda ku Tiri Gabadhan.
Henderson Oo Xiligani Saabuun Cagaaran Cuneysa
Waxaa ay intaasi Racisay in ay  Bilowday Wixii Intaa ka danbeyay sida Cuntada Caadiga ah in ay u Cunto isla Markaasina Guriga soo Dhigato Waxaana ay Sheegtay in Xiligaasi Diidmo xoog leh Kala kulantay Reerkeeda Oo La Yaabay Dhaqanka ay La soo baxday Gabadhooda.Sii Akhri

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...