Laascaanood (RBC Radio):- Dadweyne careysan oo aad u farabadan ayaa gudaha magaalada Laascaanood ka fuliyey dibadbax balaaran oo ay ku diidan dagaalka Soomaaliland ay ka sameysay deegaanka Kalshaale.
Dadweynahani banaanbaxayey ayaa socdaal dheer ku soo maray magaalada Laascaanood, waxaana intii ay dibadbaxa ku guda jireen ay dhagaxtuur ku sameeyeen xafiisyada iyo xarumaha maamulka Soomaaliland uu ku leeyahay magaalada Laascaanood iyaga oo ku hadaaqayey ereyo xamaasadeysan oo ay ka mid yihiin dooni mayno jabhada SNM, dooni mayno maamulka Hargeysa iyo waxyaabo kale oo ay ka mid yihiin Hanoolaato Jabhada SSC.
Maamulka Gobolka Sool ee Soomaaliland ayaa amar ku bixiyey in dibadbaxayaasha la hor istaago isla markaana la xiro dadka dibadbaxaya, waxaana maamulku magaalada ku soo daadiyey ciidamo Boolis iyo Milatari isugu jira.Sii Akhri
No comments:
Post a Comment