Friday 4 February 2011

Mas’uuliyiinta Maamulka Gobolka Ceyn Oo Dhaliilay Dowladda Puntland

Buuhoodle (RBC Radio):- Mas’uuliyiinta maamulka Gobolka Ceyn ayaa dhaliil xoogan u soo jeediyay dowladda Puntland ee ay ka tirsan yihiin xilli ay la hadlayeen warbaahinta gudaha.
Mas’uuliyiinta Gobolka Ceyn ayaa Puntland ku eedeeyay in ay sacabada ka laabatay dagaal lagu soo qaadey dadka deegaanka Gobolka Ceyn, dagaalkaasi oo uga yimid dhinaca ciidamada Soomaaliland.
Qaar ka mid ah mas’uuliyiintaasi oo la hadlayey warbaahinta gudaha ayaa ka dhawaajiyey in aysan fileyn in Puntland ay heerkaas ka joogi doonto ku xadgudubka dadka reer Puntland ee ku dhaqan gobolka Ceyn, isla markaana aysan sugeyn in Puntland ku fiirsato waxyeelo ciidanka Soomaaliland ay u geystaan shacabka gobolka Ceyn.
Hadalada ka soo yeeray mas’uuliyiinta maamulka Gobolka Ceyn ayaa ahaa kuwo ay ku guubaabinayaan dowladda Puntland si ay uga qeybqaadato dagaalka ka jira deegaanada gobolka Ceyn, waxaana arintaasi dowladda Puntland ay horey uga cadeysay mowqifkeeda oo ay ku tilmaamtey in uu yahay isdaafac balse aysan wax weerar ah qaadi doonin.
Dhinaca kale waxaa hadalka ka soo yeeray mas’uuliyiinta maamulka Gobolka Ceyn uu ku soo beegmayaa xilli maanta dibadbax balaaran oo looga soo horjeedo colaada ka jirta gobolka Ceyn uu ka dhacay magaalada Garowe ee caasimada dowladda Puntland.
RBC Radio.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...