Nairobi (RBC Radio):- Madaxweynihii hore ee dowladda Puntland Mudane Maxamed Cabdi Xaashi ayaa cambaareeyay weerarkii dhowaantan ciidamada Soomaaliland ay ku qaadeen deegaanka Kalshaale ee gobolka Ceyn.Siyaasiga Maxamed Cabdi Xaashi ayaa sheegay in uu aad uga xun yahay in shacab ka tirsan dowladda Puntlad lagu soo duulo isla markaana xasuuq loo geysto, taasi oo uu ku eedeeyay in ay sameeyeen ciidamada maamulka Soomaaliland.
Mudane Maxamed Cabdi Xaashi ayaa sheegay in maamulka Soomaaliland uu doonayo dhul balaarsi isla markaana uu qorsheynayo in uu xoog ku qabsado dhulka gobolka Ceyn, waxaase ka biyo diiday ayuu yiri shacabka ku dhaqan gobolkaasi oo uu sheegay in ay iska daafaceen ciidamadii ku soo duulay.SII AKHRI
No comments:
Post a Comment