Thursday 10 February 2011

Somaliland waxay dhaqaaqdo oo duushoba way kuftay


Ilaa iyo intii uu talada maamulka Somaliland la wareegay madaxii hore ee SNM ta Axmed Maxamuud Siilaanyo, waxa hoos u sii dhacaayay hankii dhalanteedka ahaa ee   taageerayaasha  SNM ku doonayeen in ay gobolada woqooyi galbeed ee Somaliya  dalka intiisa kale ka gooyaan, taas oo ay u adeegsadeen siyaasada badan oo kala duwan, hase yeeshee midha dhal noqon waday mudadaa aadka u dheer.
Sideedaba waxay ahayd fekred guracan oo iska daa inay ka socoto debedaha iyo beesha caalamka ee, bal waxa ay ka socon wayday shacabka inta badan gobolada woqooyiga, oo aan daacad u ahayn fikirkan guracan ee qabiilka ku salaysan.
Madaxweynaha Soomaaliland Axmed Siilaanyo
Waxaadna moodaa in ay arintan uga sii dartay soona dedejis qabsashadii maleeshiyada SNM ee magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, taas oo ay sahashay heshiish lagu khiyaamayay shacabka gobolkaas, oo dhex maray shan dhinac oo kala ah: dowlada Ethiopia, Haya’daha gargaarka, dowlada TFG dii waqtigaa, Puntland iyo Somaliland, heshiiskaas oo dadka intiisa badani fahmi waayeen waxa looga gol leeyahay, kana dhaadhici waayay oo ay aqbali waayeen shacabka SSC, si xoog lehna ay uga soo horjeesteen, taas oo dhibaatooyin badan ku keentay maamulka SNM debeda iyo gudahaba.Read More

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...