Wednesday 23 February 2011

Afhayeenka XSHM Sheekh Cali dheere oo ka warbixiyey dagaallada ka socda qaar ka mid ah Wilaayaatka dalka (DHAGEYSO)

Wednesday, 23 February 2011 11:14


amiirnuur.com
Afhayeenka Shabaabul Mujaahidiin Sheekh Cali Maxamuud Raage Sheekh Cali dheere ayaa goor dhow wareysi gaar ah siiyay Idaacadda islaamiga ah Alfurqaan, isagoo ka warbixiyay dagaalada ka soconaya qeybo ka tirsan magaalada Muqdisho iyo Wilaayaatka dalka.
Sheekh Cali dheere ayaa ugu horreyn waxa uu sheegay in Ciidamo ka tirsan kuwa Shisheeyaha ee ku sugan magaalada Muqdisho gaar ahaan kuwa Buruundi ay weerar kusoo qaadeen fariisimo ay Ciidamada Mujaahidiintu ku lahaayeen Wasaaraddii Gaashaandhigga Soomaaliya.
Dagaalkaasi ayaa Sheekh Cali dheere waxa uu tilmaamay inuu ahaa mid culus oo saacado badan socday, kaasi oo khasaara lixaad ah uu kasoo gaaray Ciidamada Buruundi.
Halkan hoose ka dhegeyso Wareysiga Sheekh Cali Dheere Maanta
Waxa uu Afhayeenku uu tibaaxay inay hadda dagaalkuu uu gabo gabo yahay islamarkaana Ciidamada Mujaahidiinta ay gacanta ku hayaan Meydadka Lix Askari oo Buruundeys ah iyo Labo Askari oo nool, wuxuuna ballan qaaday in Saxaafadda gudaha iyo dibadda ay usoo bandhigi doonaan Meydadka iyo Askarta nool ee laga qabtay Ciidamada Buruundi.
Sheekh Cali dheere oo hadalkiisa sii wata waxa uu sheegay inay jeebabka mid ka mid ah Saraakiisha Buruundeyska ah ee Maxaabiis ahaanta loo qabtay ay ka heleen Caddaymo muujinaya in dagaalkii saakay uu ahaa dagaal qorshaysan oo aan ka qeyb qaadanayaan inkbadan 2,900 oo Askari hadafkooduna uu ahaa inay qabsaan Wasaaraddii Gaashaandhigga ilaa xarunta Isbartiibada Muqdisho.
Dhinaca kale Sheekh Cali dheere waxa uu ka warbixiyay dagaallo ka dhacay wilaayada Hiiraan iyo Galguduud, wuxuuna sheegay in dagaalladaasi ay ahaayeen kuwa qorshaysan oo ay soo qaadeen Ciidamo Itoobiyaan ah iyo Maleeshiyaad Soomaali ah oo iskaashanaya.
Afhayeenka oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in Mujaahidiinta ay iska difaaceen guud ahaanba weerradii wilaayaatka  looga soo qaaday, Wuxuu Sheekhu tilmaamay in Ciidmadii Itoobiyaanka iyo kuwa Maleeshiyaadka Soomaalida ah ay u carareen dhinaca deegaanka Suufka oo qiyaastii 20km duleedka ka xiga degmada Beled-Xaawo halkaasi oo Madaafiic ay kasoo tuurayaan.
Dhinaca kale waxa uu soo hadal qaaday dagaalkii xalay iyo saakay ka dhacay wilaayada Hiiraan, wuxuuna adkeeyay in Mujaahidiinta wilaayadaasi ku sugan iyo Ciidamada Itoobiyaanka ay isku hor fadhiyaan deegaanka Ceel Muslim oo ku yaala duleedka magaalada Baladweyne.
Halkan hoose ka dhegeyso Warbixintii Dagaalka Shalay

Xigasho: Idaacadda Alfurqaan
Amiirnuur Media, Muqdisho

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...