Wednesday 23 February 2011

Gaalkacyo:Ciidamada Amaanka Gaalkacyo oo gacanta kusoo dhigay Koox lagu tuhunsanyahay Alshabaab,Qalab & Astaamaha Kooxdaas kadib Howlgal gaalkacyo ka dhacay.

Gaalkacyo:(Allpuntland)-Ciidamada Amaanka ee gobolka Mudug ayaa howlgalo balaaran oo saacado socday waxay ka fuliyeen qeybo kamid ah xaafadaha magaalada gaalkacyo gaar ahaana guryo si gaar ah loo tuhunsanaa,waxaana guryahan sida ay saraakiisha Amnigu sheegeen lagu soo qabtay Dhowr Ruux oo ay saraakiisha Amaanku sheegeen in tuhuno loo haysto islamarkaasna lagu qabtay qalab ay laga shakiyey.

Taliyaha Qeybta Booliska ee Amaanka & Dhaqancelinta gobolka Mudug G/lle,Aadan Nuur Qaal ayaa Saaka Warbaahinta u sheegey in ciidamada Amaanku ay gacanta kusoo Dhigeen ugu yaraan Shan Ruux oo uu sheegey inay wateen qalab ay caan ku yihiin Alshabaab oo uu ku jiro calanka Madow ee kooxdaas & Warbixino ay isdhaafsadeen Alshabaab,waxaase uu taliyuhu ka gaabsaday inuu faahfaahin dheeri ah ka bixiyo kooxdan & qaabka loosoo qabtay.

Aadan Nuur Qaal wuxuu sheegey inay baaritaano ku hayaan islamarkaasna ay su’aalo weydiinayaan wuxuuna sheegey in ay saacadaha soo socda shacabka & Warbaahinta war kasii doonaan kooxda ay soo qabteen oo uu sheegey inay tuhuno badan ka qabaan,waxaana jirin faahfaahin dheeri ah oo ay Saraakiisha Amaanku kasoo saareen Shanta ruux ee lasoo qabtay & qalabka ay ciidamada amaanku sheegeen inay soo qabteen ayaa noqonaya kuwii ugu horeeyey ee ay ciidamada Amaanku si rasmi ah u shaaciyaan waxaana laga warsugayaa faahfaahinta saacadaha soosocda.

Xafiiska Wararka Allpuntland,Garoowe

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...