Sunday 6 February 2011

Ahlu-sunna Waljamaaca oo kasoo horjeesatay go'aankii ay muddada ku kororsadeen xildhibaannada baarlamaanka

February 5, 2011 Markacadeey


Iyadoo maalin ka hor fadhi uu ku yeeshay magaalada Muqdisho baarlamaanka Soomaaliye uu isku raacay in muddo sadax Sano ah loogu sii darro waqtiga uu sii jarayo baarlamaanka taasoo ka bilaabeysa 22-ka Augusto ee sanadkan aynu ku jirno, ayaa waxaa go'aankaa ka soo horjeestay maamulka Ahlu Sunna Waljameeca ee goballada dhexe.

Guddoomiyaha guddiga fulinta Ahlu Sunna Waljameeca Shiikh Max'ed Yuusuf Xeefow oo warbaahinta qaar la hadllay ayaa sheegay in talaabada uu qaaday baarlamaanka tahay mid lagu cuuryaaminayo umadda Soomaaliyeed, isaga oo intaa ku darray in ay dhinacooda maraba soo dhaweyn doonin go'aankaa isaga.

Waxaa uu sheegay in halkii ay ku mashuuli lahaayeen in ay iyaga watiga kordhistaan looga baahan yahay in ku mashquulaan wax qabad, iyo soo celinta amaanka dalka ayuu yiri Xeefow oo dhinaca kale sheegay in baarlamaanka iyo dowladda intaba aysan waxba qaban muddadii ay jireen, waxaana uu ka dalbaday baarlamaanka Soomaaliya in ay dib uga fiirsadaan go'aankaa isaga ah oo ah ayuu yiri mid lagu fududaaday.
Read More 

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...