Kooxda Shabab iyo Ciidamada AMISOM oo kaashanaya kuwa dowlada ayaa saakay ilaa iyo haatan waxa ay Moqadisho ka wadaa dagaal xoogan oo daryankiisa laga naxayo .Dagaalada ayaa ka danbeeyey marki ay ciidamada AMISOM horay ugu siqeen dhinanaca aagaga Al Shabaab, waxa ay doonayeen in ay fariisimo cusub ka sameystaan deegaanada Hodan iyo H/Wadaag.
Meelaha uu dagaalka culus ka socdo ayaa waxaa ka mid ah Godka Cagadhiig, Xaafada Sayidka, Isgoyska Dabka, Shaqaalaha iyo xaafadaha degmada Hodan, waxaana la isu adeegsanayaa madaafiicda culus.
Inta la hubo dagaaladan ka socdo saakay magaalada Muqdisho ayaa waxaa ku geeriyooday laba ruux shan kalana dhaawacyo ayaa kasoo gaaray kuwaasi oo ay guryahooda ugu tageen madaafiicda culus ee AMISOM.
Wili wax war ah kama soo bixin qolayha haatan ku dagalamaya Caasimada Moqadishu blase wararka ay soo saaraan si toos ah Diirad.com ayaa ka heli doontaan .
No comments:
Post a Comment