Saturday 19 February 2011

Mahiga oo Shir Shaki Badan Dhaliyey Odayaal Dhaqameed ugu Qabtay Jabuuti

Jabuuti (RBC) Warar isa soo taraya ayaa kasoo baxaya shir uu qabanqaabiyey ergeyga Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Augustine Mahiga kaaso toddobaadkii dhamaaday ka dhacay wadanka Jabuuti.
Shirkan oo ay ka qeybgaleen ku dhawaad 50 odayaal dhaqameed ka kala yimid gudaha iyo dibada ayaa ujeedkiisa ahaa sida Qaramada Midoobay ku sifeysay in looga tashado xaalada siyaasada wadanka iyo in la dhegeysto talada odayaasha dhaqanka.
Hase yeeshee warar madax banaan oo ku dhow shirkaasi ayaa sheegaya in ergeyga QM Mahiga oo waayadan dambe xariif ku noqday siyaasadda Soomaaliya uu bilaabay inuu raadiyo aragtiyo kahorjeeda DKMG ee hadda ku sugan Muqdisho kadib markii ay soo bexeen walaac ka soo yeeray deeqbixiyaashii caawin jiray TFG Soomaaliya.
Odayaashii dhaqanka ee lagu casumay shirka ayaa xitaala sheegay inay ahaayeen kuwo si gaar ah loo soo xulay si loo raadiyo aragtiyo u cuntami karta QM si ay u diyaariso mashruuc cusub oo ku wajahan siyaasadda Soomaaliya kadibna ergeyga QM u horgeeyo deeqbixiyaasha maadaama iyagua ay yihiin kuwa laga helo lacagaha faraha badan ee lagu wado siyaasadda isbedelka badan ee Soomaaliya.
Shirkan wax kaalin ah lagama siin DKMG iyo maamulada dalka ka jira sida Puntland, Galmudug iyo Somaliland, inkastoo la sheegay in wakiil ka socday DFKMG uu goob joog ahaan uga qeybgalay balse aanu waxba ku yeelan shirka.Sii Akhri

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...