Muqdisho (RBC) Bannaanbax lagu diidan yahay xarakada Shabaab oo dhawaan kawaankii hilibka ee Baydhao ku wareejisay ganacsato xiriirla leh Shabaab ayaa maanta ka dhacay gudaha magaalada Baydhabo.
Wararka ayaa sheegaya in bannaanbaxa oo markii hore ku bilawday qaab cabasho ah uu markii dambe isu bedelay rabshad iyadoo ciidamsda Shabaab ay damceen inay joojiyaan dibaxbaxa.
Dadka ayaa ka soo horjeeday kawaankii hilibka ee magaalada Baydhabo oo dhawaan xarakada Shabaab ka qaaday ganacsatadii heyday kuna wareejisay dhowr ganacsato ah oo iyaga taageersan kuwaasoo loo ogolaaday in iyaga kaliya ay hilibka ku iibsadaan kawaanka.
Wararka ayaa sheegaya in rasaas ay fureen ciidamda Shabaab uu ku dhintay hal qof 2 kalena ku dhaawacmeen iyadoo dadkii dibaxbaxa waday ay markii dambe kala carareen.Sii Akhri
No comments:
Post a Comment