Thursday 3 February 2011

DEG DEG: Gudoomiyihii Degmada Waajid ee Gobolka Bakool oo lagu Dilay Magaalada Mandher

Muqdisho (RBC) Sida ay noo xaqiijiyeen dad ku sugan magaalada Mandhera waxaa barqanimadii maanta gudaha magaaladaasi lagu toogtay gudoomiyihii maamulka degmada Waajid ee gobolka Bakool Macalin Jiis iyo nin darawal u ahaa isaga.
Wararka aan kaheleyno deegaanka ayaa sheegay in dabley hubeysan oo la aaminsan yahay inay ka tirsan yihiin Al Shabaab ay si qarsoodi ah ku galeen magaalada Mandhera oo ku taalla xuduuda Soomaaliya iyo Kenya kadibna ay ugu tageen gudoomiyaha xilli uu ku sugnaa gurigiisa.
Macalin Jiis iyo wiil darawal u ahaa ayaa la sheegay in gurigii ay deganaayeen lagu dhex dilay iyadoo raggii dilkaasi geysteyna ay baxsadeen.
Ciidamo ka tirsan booliska Kenya ayaa goobta soo gaaray waxyar kadib markii uu dilkaasi dhacay iyagoo baaritaano ka sameeyey qeybo ka mid ah magaalada Mandhera laakiin lama sheegin cid ay u qabteen dilka maanta.Sii Akhri

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...