Dibad baxaan ayaa waxaa soo qaban qaabiyay qaar ka mid ah dhalin yarada magaalada Muqdisho waxaana dibad baxa looga soo horjeeday dowlada KMG Soomaaliya iyo Xoogaga xarakada Al-Shabaab.
Dadka dibad baxayaasha oo u badnaa dhalinyaro ayaa waxa ay sheegeen in ay doonayaan nabad isla markaana ay ka soo hor jeedaan dhinacyada isku haysta dalka.
“waxa qoryaha wata waa dhalinyaro waxaa dhalinyarada laga rabaa in ay dhisaan dalka oo ay joojiyaan bur burinta.”…ayay ku dhawaaqayeen banaanbaxayaasha.Sidoo kale dadka banaanbaxayay ayaa waxa ay sheegeen in ay sii wadi doonaan banaanbaxa maalmaha soo socda isla markaana aysan joojin doonin.
Banaanbaxyadaan ayaa waxa ay imaanayaa xili dhalinyaradaan ay shalay sii sheegeen in ay maanta samayndoonaan dibadbaxyo balaaran.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho
No comments:
Post a Comment