Sunday 13 February 2011

Banaanbaxyo balaaran oo looga soo horjeeday Dowlada iyo Al-Shabaab oo maanta muqdisho ka dhacay

Muqdisho (RBC Radio) Banaanbax balaaran ayaa maanta waxa uu ka dhacay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.
Dibad baxaan ayaa waxaa soo qaban qaabiyay qaar ka mid ah dhalin yarada magaalada Muqdisho waxaana dibad baxa looga soo horjeeday dowlada KMG Soomaaliya iyo Xoogaga xarakada Al-Shabaab.
Dadka dibad baxayaasha oo u badnaa dhalinyaro ayaa waxa ay sheegeen in ay doonayaan nabad isla markaana ay ka soo hor jeedaan dhinacyada isku haysta dalka.
“waxa qoryaha wata waa dhalinyaro waxaa dhalinyarada laga rabaa in ay dhisaan dalka oo ay joojiyaan bur burinta.”…ayay ku dhawaaqayeen banaanbaxayaasha.
Sidoo kale dadka banaanbaxayay ayaa waxa ay sheegeen in ay sii wadi doonaan banaanbaxa maalmaha soo socda isla markaana aysan joojin doonin.
Banaanbaxyadaan ayaa waxa ay imaanayaa xili dhalinyaradaan ay shalay sii sheegeen in ay maanta samayndoonaan dibadbaxyo balaaran.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...