Saturday 5 February 2011

Barnaamijka Diiradda Jimcaha oo maanta lagu falanqeeyay Khuraafaadka Suufiyada. ( DHAGEYSO)





Barnaamijka Diiradda Jimcaha waxuu maanta ku saabsanaa oo lagu falanqeeyay hadalo dhawaan kasoo baxay maamulka Ahlu-sunna isku magacaabay ee ka taliya qeyb yar oo ka tirsan gobolka Gal-guduud.


Waxaan barnaamijka kusoo gudbinay hadal uu mid kamid ah masuuliyiintooda sar sare ku sheegay in xajka loo soo wareejiyay magaalada Dhuusa mareeb,sidoo kale hadalo lala yaabay oo uu masuulkoodu ku sheegay in Sheekh Aweys uu hadda ka hor soo nooleeyay  Neef Geel ah iyo kuwa kale oo ay dadku dhabannada  la qabsadeen.



Si khaas ah waxaa maanta barnaamijka marti inoogu ahaa Sheekh Jaamac Cabdi Salaan oo kamid ah culimaa’udiinka Soomaaliyeed,iyadoo dadweynuhuna ay fikrado kasoo dhiibteen sida ay u arkaan hadalka ay kooxda Ahlu sunna la baxday ku sheegeen in xajka loo soo wareejiyay magaalada Dhuuso mareeb.

Haddaba falanqeyn iyo lafa gurid kadib ayaa waxa uu barnaamija isugu soo biyo shubtay culimaduna sheegtay in diinta islaamka aysan raad ku lahayn dhaqanada ay sameenayaan kooxaha suufida ee ka taliya meelo yar oo ka tirsan gobolka Gal-guduud.
Xigasho: Radio Al Furqaan.com

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...