Saturday 5 February 2011

Dr Cali Warsame: Labo kuu daran mid dooro

Labo kuu daran mid dooro
Dr Ali Warsame
Machadka Siyasadaha Istiratijiga EE Geeska Africa
Madaxweynaha Puntland Cabdiraxmaan Faroole
Hadii ay Puntland Mowqifkeeda ku adkeysato , oo maamulka sare uusan ka laaban mowqifkiisa waxa halka kasoo baxaysa in uu dhaco maamulka ka dhisan Moqdisho, sababtoo ah waa maamul xaafad ka taliya oo aan laheyn misaan jiquraafi iyo culeys siyasada dibada.
Hadii ay Puntland ku adkeysato mowqifkeeda dhamaan dadka siyasada somalia faragashiga ku hayo waxay raacayaan mowqifka Puntland, halkaasna waxa ka dhalaneysa in xiriirka loo jaro Shariif iyo maamulkiisa, waxa ay Puntland iyaduna dhowr jeer oo hore ku carabaabtey in ay sameyneyso Shir dib u hishisiin Umada somaliyeed oo ka dhacayo Puntland gudaheeda, kasoo aan garaneyno natiijadiisa iyo waxa kasoo baxaya.
Sh Fuaad Khalaf
Shirkaas ayaa waxa la og yahay in lagu dooranayo madaxweynaha Puntland Dr : Abdirahman Faroole , waana arin uu iska qiyaasi karo qofkastoo siyasada wax ka yaqaan.
- Su’aashu waxay tahay marka -
Dr : Abdirahman Faroole somali miyey la shaqeyn doonta ,gaar ahaan dadka dagen koonfurta somalia Iyo reerka uu kasoo jeedo Shariif madaama aynu ognahay in ay somali qabiil ku dhisan tahay waxna ku kala qeybato !
Yaa ka faa’iideysanaya arintan hada taagan iyo sida xaalku uu yahay hadaba waa al-shabab oo kaliya ,waana arin iska cad sida xaalku hada yahay al-shabab danweyn ayaa ugu jirta oo dowlada shariif maaha mid siyasadeeda iyo ciidankeeduba ka hortagi karo al-shabab, hadii xaalku uu noqdo sida aan fileynana waaba kasii dareysa arinta somalia, oo waxa markasta xoogsanaya waa al-shabab oo faa’iidaya.Sii Akhri

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...