Saturday 5 February 2011

Labada Shariif oo isku khilaafsan waqti kordhinta Baarlamanka.

Saturday, 05 February 2011 17:20


                 somalimemo.net
Jiha wareer ayaa ka dhanx taagan Hogaanka DKMG ah kadib markii ay khilaafeen awaamirtii kaga imaan jirtay waxa loogu yeero beesha caalamka ee gumaysato kooxdan isku sheegtay in ay metesho Soomaaliya inteeda kale.

Dhamaan Ururada gaalada caalamka ee dacmiga siiya DKMG ah ayaa Cambaareeyay go'aankii uu dhawaan waqtiga ku kororsaday baarlamanka kooxdaasi oo si qaras ka xoornimo ah u sheegay in muddo 3 sana ah ay sii jiri doonaan.

Midowga Afrika,Mareykanka,Midowga Yurub,Talyaaniga iyo dhamaan Ururada dhaqaalaha ku bixiya la dagaalanka Muslimiinta Somaliya ayaa canaan usoo jeediyay waqti kordhinta ay sameysteen Shariif Xasan iyo Kooxdiisa.
Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa sheegaya in shariif Sheekh Axmed iyo Farmaajo ay diidanyihiin go'aanka ay gaareen Shariif Xasan iyo xildhibaanno taabacsan waxaana loo badinayaa in beerri ama saad dambe lashiriyo Xildhibaanada Shariifka taabacsan ayna soo saaraan go'aan ah "Looma dhamayn Kulankii Khamiista"
 Sidaas ayuu ahaan doonaa xaalka DKMG ah oo talooyinkeeda kama dambeysta ah ka qaadato gaalada caalamka iyo Afrikaanta dalkeena kusoo duushay.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...