Friday 18 February 2011

Ciidankii Maxamed Dheere oo Soo Faarujiyey Jiida Boondheere, Mudulood oo ka Shiraya Xarigiisa iyo Madaxtooyada oo Meel Adag iska Taagtay

Muqdisho (RBC) Wararka laga helayo ilo wareedyo dhinaca ciidanka ah ayaa sheegaya in ciidamo uu lahaa hogaamiye kooxeedka Maxamed Cumar Xabeeb [Maxamed Dheere] oo labo maalin ka hor DKMG ay xirtay in ciidamadaasi ay kasoo bexeen qeyb ka mid ah jiida dagaalka ee ay isku horfadhiyaan DKMG iyo ciidamada Shabaab.
Ciidanka Maxamed Dheere oo dhawr tikniko ah wata ayaa difaac kaga jiray qeyb ka mid ah degmada Boondheere oo uu Maxamed Dheere  degan yahay, waxaana arintan loo aaneynayaa xarigiisa oo ay labo maalin kahor soo qabteen ciidanka Amisom.
Ciidanka Maxamd Dheere oo ah maleeshiyaad beeshiisa u badan ayaa hadda difaac kaga jira agagaarka gurigiisa iyagoo saameyn dhanka amaanka saacadihii lasoo dhaafay ku yeeshay degmooyinka Boondheere iyo Shibis oo ka mid ah goobaha yar ee ay DKMG ah maamusho.
Saraakiisha DKMG ayaa kulamo ka yeelanaya saacadihii lasoo dhaafay arinta kaspoo korportay jiida dagaal ee dhanka Boondheere inkastoo dawladu sheegtay inaysan waxba u arkin soo bixitaanka maleeshiyada Maxamed Dheere oo awalba meesha u joogeen dntooda gaarka ah.
Dhinaca kale warar soo baxaya oo soo gaaray RBC Radio ayaa sheegaya in odayaal iyo siyaasiyiin ka soo jeeda Mudulood  ay arintan ka yeesheen shirar gaar gaar oo dhexdooda ah  iyagoo shalay illaa xalayna u tegey madaxweyne Sheekh Sheekh Axmed oo ay kala hadleen in Maxamed Dheere la siidaayo.
Odayaasha ayaa sheegay in ay doonayaan sixitaanka khaladkii dhacay si arinta loo qaboojiyo isla markaana Maxamed Dheere lasiidaayo, halka afarta ruux ee kale oo uu ku jiro taliyihii maleeshiyada Maxamed Dheere iyo darawalkiisii lagu qaado wixii dembi ah ee ay yeeshaan, maadaama ay iyagu ahaayeen kuwii watay baabuurka tiknikada ee xabadaha ku furay dibadbixii Talaadada ee 15-kii bishan.Read More

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...