Friday 18 February 2011

X.Dahir nin ku heyba oo Banaadir loomagacabay maamulka Alshabab

Thursday, 17 February 2011 20:20
Maamul cusub ayaa shalay loo sameeyay qaar katirsan wilaayaatka Islaamiga ee ay kataliyaan ururka Al-shabab. Shalay duhurkii ayaa waali cusub loo magacaabay Wilaayada banaadir oo aheyd wilaayadii ugu horeysay ee maamul loo sameeyo marka laga reebo magaalada Kismaayo oo xiligii amxaarada lala dagaalamayay maamul islaami ah loo sameeyay.
Xafladaasi ayaa waxaa goobjoog ahaa masuuliyiin ka tirsan ururkaasi, iyadoo xilwareejintana aykawada hadleen dhamaan masuuliyiintii halkaasi joogtay waxaa sidoo kale goobta jooga gudoomiyihii hore ee Banaadir ay Alshabab u magacowday Sheekh Cali Maxamed Xuseen Abuu Jabal oo in mudda ah ka shaqeynayay wilaayada Banaadir, wuxuuna sheegay in uu ku qanacsanyahay xilwareejintaasi.
Gudoomiyaha cusub ee Wilaayada Banaadir ayaa loo magacaabay Sheekh Maxamed Cumar Abuu Cabdi Raxmaan ahaa nin aan horey uga mid ahaan jirin ururkan Al-shabab balse haatan bilihii ugu dambeeyay wadashaqeyn xoogan la'lahaa ururkaasi.
Hadaba, Gudoomiyaha cusub ayaa ah nin ay isku heyb yihiin Sheekh Xasan Daahor Aweys oo horey u ahaa gudoomiyihii Xizbul Islaam, waxaana Gudoomiyahan cusub lagu sheegay inuu u dhashay Beesha Ceyr Yabadhaale, waana markii ugu horeysay oo ay Al-shabab u magacowdo maamulka Banaadir nin aanan kasoo jeedin Beesha Mudulod.




Diirad News Desk
diirad@live.com

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...