Wednesday 23 February 2011

Dagaal Kale oo Maanta ka Bilawday Duleedka Magaalada Beledweyne

Dagaalkan ayaa u dhexeeya ciidamada DKMG ee ku sugnaa degaanka Kalabeyr iyo ciidamada xarakada Shabaab oo gacanta ku haya Beledweyne. Waxaana dagaalka maanta dhacay ka horeeyey dagaal kale oo xaly ka dhacay Kalabeyr iyo agagaarka Ceelgaal kaasoo markii uu waagu baryey sii xoogeystay.

Beledweyne (RBC) Dagaal xoogan oo ka dambeeyey weerar ay soo qaadeen ciidamo ka tirsan DKMG ee ku sugan duleedka magaalada Beledweyne ayaa maanta ka bilawday duleedka magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.
Waxaa adag faahfaahinta laga heli karo khasaaraha dagaalkan maadaama weli dagaalku uu socdo isla markaana labada dhinac ay isku adeegsanayaan hubka culus. Inkastoo wararka ay sheegayaan dhimasho iyo dhaawac fara badan oo labada dhinac kala gaaray.
Dagaalka ayaa saameyn ku yeeshay wadada isku xirta Hiiraan iyo gobolada kale ee dalka taasoo ay maraan gaadiidka safarka ah.
Saraakiisha DKMG oo ku sugan magaalada Muqdisho ayaa xaqiijiyey dagaalkan inuu bilawday waxayna sheegeen in ciidamada dawlada ay ku jeedaan magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.
Dhinaca kale afhayeenka xarakda Shabaab Sheekh Cali Dheere oo ka hadlay dagaalka ayaa sheegay inay soo weerareen cidamo Ethiopian ah iyo kuwa DKMG kadibna ay iska caabiyeen.
RBC Radio

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...