Monday 7 February 2011

Deg Deg: Dagaal Ka Dhacay Duleedka Magaalada Laascaanood

Laascaanood (RBC Radio):- Dagaal ayaa ka dhacay deegaanka Gambarre ee duleedka magaalada Laascaanood ee Gobolka Sool, Dagaalkaasi oo u dhaxeeya ciidamada Soomaaliland iyo Ciidamo uu horkacayo Wasiirkii hore ee Duulista Hawada iyo Garoomada Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan (Karaash).
Dagaalka oo aan la shaacin ilaa iyo iminka khasaaraha uu geystay ayaa waxaa wararka la isla dhexmarayo ay sheegayaan in labada dhinac uu soo gaarey khasaare dhimasho iyo dhaawac leh.
Wasiirkii hore ee Duulista Hawada iyo Garoomada Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan (Karaash)
Wararka laga helayo aaga dagaalka ayaa ku soo waramaya in weerarka ay markii hore qaadeen ciidamo ka amar qaata Axmed Karaash kuwaasi oo wata gaadiid dagaal iyo hub farabadan, waxayna dagaalka kadib la wareegeen fariisin ciidan oo ay Soomaaliland ciidankeedu ku lahaayeen deegaanka Gambarre.Sii Akhri

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...