Laascaanood (RBC Radio):- Dagaal ayaa ka dhacay deegaanka Gambarre ee duleedka magaalada Laascaanood ee Gobolka Sool, Dagaalkaasi oo u dhaxeeya ciidamada Soomaaliland iyo Ciidamo uu horkacayo Wasiirkii hore ee Duulista Hawada iyo Garoomada Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan (Karaash).Dagaalka oo aan la shaacin ilaa iyo iminka khasaaraha uu geystay ayaa waxaa wararka la isla dhexmarayo ay sheegayaan in labada dhinac uu soo gaarey khasaare dhimasho iyo dhaawac leh.
Wararka laga helayo aaga dagaalka ayaa ku soo waramaya in weerarka ay markii hore qaadeen ciidamo ka amar qaata Axmed Karaash kuwaasi oo wata gaadiid dagaal iyo hub farabadan, waxayna dagaalka kadib la wareegeen fariisin ciidan oo ay Soomaaliland ciidankeedu ku lahaayeen deegaanka Gambarre.Sii Akhri

No comments:
Post a Comment