Friday 18 February 2011

Dhaqdhaqaaqa Ganacsiga Toddobaadka iyo Saameynta Xirnaanshaha Dekeda Muqdisho (Warbixin iyo Sawiro)

Dekeda Muqdisho (Raxanreeb.com)
Muqdisho (RBC) Dhaqdhaqaaqii dekeda weyn ee magaalada Muqdisho ayaa mudooyinii todobvaadyada ahaa ee lasoo dhaafay hakad ku jiray taasoo ka dambeysay khilaaf u dhexeeya ganacsatada wax kala soo degta dekeda iyo maamulka dekeda.
Arintan oo si weyn ay uga cawdeen ganacsatada ayaa sababtay in ay joogsadaan waxyaabihii ka soo degi jiray dekeda oo ay ka mid yihiin raashiinka daruuriga, qalabka dhismaha iyo badeecadaha noocyadooda kala duwan. Ganacsatada ayaa sheegtay inaysan waxba kala soo degi doonin dekeda tan iyo inta laga xalinayo khilaafka u dhexeeya iyaga iyo maamulka dekeda.
Saameynta hakadka ku yimid dekeda:
Waxaa sare u kacay qiimaha cuntooyinka lagu iibsado ee suuqyada magaalada Muqdisho kadib markii la waayey badeecado kasoo dega dekeda.
Ganacsatada suuqyada magaalada ayaa RBC Radio u sheegay in hadda la iibinayo alaabihii keydadka ku jiray balse anu jirin maraakiib an doonyo hadda ku xiran dekeda oo raashiin keenay, iyadoo qiimaha raashiinka uu ku kordhay wax xoogaa sicir barar ah.
Dadka danyarta eek u nool magaalada una badan dad barakacayaal ah ayaa sheegay inaysan iibsan Karin raashiinka qaaliga noqday gaar ahaan burka, sonkorta iyo saliida oo si weyn sare ugu kacay todobdydii u dambeeyey.
Cali Maxamuud oo ka mid ah ganacsatada raashiinka ayaa RBC Radio u sheegay in sicir bararkan uusan isbedeli doonin haddii aan xal laga gaarion khilaafka dekeda ka taagan si loo fasaxo doonyaha iyo maraakiibta badeecadaha ka keenta dibada eek u soo xirata Muqdisho.Sii Akhri

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...