Sunday 13 February 2011

Dowladda KMG-ka oo ku fadeexowday


amiirnuur.comMid ka mid ah Saraakiisha Maleeshiyaadka Dowladda KMG-ka ayaa ku fadeexoobay dacaayad raqiis ah oo maalintii shalay uu damcay inuu ka gado Shacabka ku dhaqan degmooyinka kooban ee Dowladda KMG-ka ay magaalada Muqdisho ka joogto. 
C/llaahi Xasan Bariie oo Dowladda KMG-ka ugu magacaaban Afhayeenka Taliska waxa loogu yeero Booliiska ayaa fadeexad iyo weji gabax  kala kulmay  qaar ka tirsan ehelada dhallinyaro ku dhaqan degmada Xamar Jajab, kuwaasi oo maalintii shalay Saxaafadda loo soo bandhigay islamarkaana la sheegay inay ka tirsanyihiin Xarakada Mujaahidiinta Alshabaab.

Xiisad iyo is qab qabsi xoogan ayaa saakay ka taagan degmadaasi,waxaana wadooyinka lagu arkayaa dhallinyaro qaab beeleed u abaabulan oo ku dhawaaqaya ereyo ka dhan ah C/llaahi Bariise.
“ Ninkaasi Bariise lagu magacaabo ayaa maalintii shalay wuxuu xoog ku kaxeystay  wiilal dhallinyaro ah oo Xaafadda degen,wuxuuna markaasi ka dib ku qasabay inay warbaahinta ka hadlaan kadibna ay sheegtaan inay ka tirsanyihiin Alshabaab” ayuu yiri mid ka mid ah dhallinyarada Xamar Jajab ku dhaqan.
Tani ma ahan markii ugu horreysay ee Dowladda KMG-ka ay ku fadeexowdo dacaayadaha raqiis ah oo ay faafisay,waxaana tiro dhoor jeer ah soo noq noqday dhacdooyinka noocaan oo kale ah ee hadafka looga gol leeyahay ay tahay in lagu ceebeeyo Mujaahidiinta, balse taasi badalkeeda fadeexad ay kasoo gaarto Dowladda KMG-ka.
Amiirnuur  Media, Muqdisho

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...