Sunday 13 February 2011

Maxay ICTISAAM-ka iyo SUUFi-yadu iska shabahaan?(QORMO DHAXALGAL AH)

 Sunday, 13 February 2011 20:19


Walayaal Qormadani waxa ay ku saabsan tahay  meelaha ay iska shabahaan kooxda Suufiyada ah iyo kooxda Al-ctisaam ee ka farcamtey ururkii Al-Itixaad.

Intaan u guda galin nuxurka qormadeyda bal  aan  sawir guud ka bixiyo  sida uu xaalku ahaa ka hor inta ay Al-itixaad saaxada Soomaaliya soo galin.


Sidaan la wada soconno Soomaaliya waxaa culimo ka ahaa Suufiyada qeybaheeda kala duwan sida Saalixiyah,Qaadiriyah iyo Axmadiyah. Ayaga ayaana looga danbeeyey wax walba oo ku saabsan Diinta, culimadaasna waxa ay sheegaan cidi kama daba hadli jirin waxa ay yiraahdaan ayaana diin u ahaa Ummada Soomaaliyeed ayaga ayeyna culimo ahaan uga danbeysay.


Suufiyadu waxay sameyn jireen shirkiyaad iyo bidcooyin badan  waxayna ku dhaganayeen Mad-habka Shaaficiyada oo ay Axkaamta uun ka qaadan jireen, waxeyna jahli kaga sugnaayeen caqiidada saxda ah ee Ahlu Sunnah wal Jamaacah mana jirin cid caqiidada si fiican u fahamsaneyd oo ku qabsan kartey, waxaa jirey  jahli fara badan markii laga reebo afraad yar oo is qarisa.

Suufiyada culimadooda waxaa ixtiraam u hayey shacabka iyo dadka ahlu diinka ah kadibna waxey ka faaiideysteen shacabki diinta ku aaminey.

Waxey Diin uga dhigeen wax aan Diin aheyn ee shirki ah sida in ay qabuuraha ku dawaafaan xoolana u qalaan.
Ayadoo  xaalku  saas yahay ayaa waxaa dalka ku soo laabtay ardeydii wax ku soo baratay jaamacadaha Islaamiga ah ee dibadda sida Sacuudiga iyo Masar  waxeyna la cajabeen  shirkiyaatka iyo bidcooyinka ay dadku ku sugan yihiin.

Waxeyna bilaabeen in ay dadka ugu yeeraan Tawxiidka iyo Sunnada Nabiga SCW iyo sidey u fahmeen salafkii suubanaa ugana digaan Shirkiga iyo bidcada, waxey la dagaalameen taqliidka indha la’aanta ah ee qofku wuxuu sheegaba diin laga dhigo, waxey dadkii u sheegeen asalka iyo marjica Muslimiintu in uu yahay Kitaabka iyo Sunaha Nabiga SC ee uusan aheyn Sheikh hebel.


Shacabkii markii ay baraarugeen oo wax fahmeen ayey xaqii raaceen kana hareen shirkiyaatkii iyo bidcooyinkii waxeyna aqbaleen dacwadii Tawxiidka.

Markay arkeen Suufiyadii in lagu cariiriyey saaxada oo dad badan raaceen wadaadada cusub ayey bilaabeen in ay si kale ula dagaalmaan (Dacaayad )
Waxay bilaabeen in ay ku sheegaan: Waa dhalin yaro yar ya roo aan aqoon laheyn, waxeyna dusha ka saareen axaadiistii khawaarijta.
Way shaabadeysan yihiin waxeyna u shaqeeyaan Kirishtaanka iyo Yahuuda.
Waxay gaaleysiiyaan dadka oo dhan 
Waxay diidan yihiin saliga Nabiga SCW.Waxay diidan yihiin Karaamada awliyada iyo Siyaarada Qabuuraha, waxey isku taageen Culimadii waaweyneyd ee dadka diinta soo gaarsiiyey.
Dhanka kale wadaadihii cusbaa ee dadka tawxiidka ugu yeerayey shirkigana la dagaalamayey waxey sii wateen dacwadoodi dhegna uma dhigin waxa ay faafinayaan Suufiyadu, waxey dadkii bareen asaasiyaatka Tawxiidka iyo in qofkii diin u sheega ay waydiiyaan daliil taas oo laf dhuun gashay ku noqotey  (Daliil keenso waaydan danbe waa dareensadeye).

Wadaadadaas  Al-itixaad waxa ugu badan oo raacay waxay aheen dad dhalin yaro u badan   oo xaq-doon ah, waxa ay dacwadoodu gaartay meshii ugu sareysay dacwadooduna waxey aheyd mid Ikhlaas ah kamaa Naxsabuhum.
Waxaana Shicaar u ahaa Daliil  keen ? iyo Sheekh hebel macsuum ma ahan, Xaqa baro Ehelkiisaad baranaysaa iyo Ragga lama raacee xaqaa la raacaa.
Dacwadii Al-itixaad markii ay faaftay shacabkiina ay qabuul ka heshey ayaa waxaa  cadaawad u qaaday gaalo iyo gaal raacyo waxeyna gashay  Jihaad iyo imtixaan lagu kala baxo waxeyna u kala jabeen 3 qolo.
A. Salafiya Jadiidah (oo aminsan in aan gaalo hadda layska celin karin ee la isdhiibo iyagana lala shaqeeyo)
B.Ictisaam (waxey ahaayeen qolo dabaal joogleysa oo aan mawqifkooda la fahmi karin laakiin akhiiran waxey ku Manhaj noqotey Salafaiya Jadiidah markuu yiri Bush is cadeeya ama anaga ama Argagixisada mid u janjeersada).
C. Salafiyada  Jihaadka iyo Dacwada  oo ah qaybtii ku hadhey Manhajkii Alitixaad ee waafaqsanaa Manhajkii Nabiga SCW waxaana hadda gudaha Soomaaliya looga yaqaan Shabaabul Mujaahidiin  waxeyna galeen dagaal dheer  iyo dacwo is barbar socda, waxeyna la wareegeen  saaxadii  Dacwada Soomaaliya.
Ictisaam markey arkeen sidii Suufiyada oo kale in lagu heysto saaxada ayey bilaabeen sidoo kale daacaayaad la mid ah kuwii Suufiyadu ku sheegi jirtay ayaga.



Maxay iska shabahaan Ictisaam iyo Suufiyo?






Waxey iska shabahan meelo badan sida
* Suufiyadu waxey aminsanaayeen Culimadoodu in aysan gafin , Ictisaamna wuxuu aaminsan yahay culimadooda kaliya in ay xaqa yaqanaan wixii ka qarsoomana aan cid kale garan karin.
* Suufiyadu waxey dhihi jireen  Sheekhaaga lima(maxay) lama dhaho, Ictisaam wuxuu leeyahay Sheekh hebel wuxuusan fahmin miyaad fahamtay? Ma Sheekh hebel baad ka cilmi badan tahay?
* Suufiyadu waxey ku  dhihi jireen Al-itixaad waa dhalinyaro aan cilmi laheyn , Ictisaamna wuxuu leeyahay Shabaab waa dhalinyaro ka badbadin “Ghuluwi” ku dhacay oo diinta si qaldan u fahmey.

* Suufiyadu waxey dhihi jireen Al-itixaad dibadaha ayaa laga fangareeyaa Sacuudiga ayaa laga xukumaa, Ictisaamna waxay Alshabaab ku leeyihiin waxaa laga xukumaa buuraha Afghanistaan.


* Suufiyadu waxey ka caroon jireen markii Itixaadku ku dhahaan daliil keena, Ictisaamna wuxuu caroodaa marki ay Shabaabku ku dhahaan daliil keena.

* Suufiyada waxaa Marjic iyo daliil u ahaa Sheekhooda  , Ictisaamna waxaa daliil u ah Culimmadooda  waa laga tegey Kitaabkii, Sunadii, iyo Ijmaacii lagu kala bixi jirey markii khilaaf yimaado.
* Suufiyadu waxey la shaqeysan jireen xukuumaatkii wadanka ka jirey, Ictisaamna wuxuu la shaqeystaa maamulada iyo xukuumaatka ka jira Gobolka, Gaal iyo muslim ba sida Kenya iyo Itoobiya.
* Suufiyadu waxey Al-itixaad ku eedeeyeen in ay dadka dhan gaaleysiiyaan, Ictisaamna wuxuu Alshabaab ku eedeeyaa in ay dadkoo dhan gaaleysiiyaan waana tuhmo aan jirin xaqiiqo ahaan.
* Suufiyadu waxey Al itixaad ku heysatay arimo diin ah oo iyaga ka qaldanaa laakiin ay u maleynayeen in ay ku saxan yihiin sida Kabaha oo lagu tukado, Ictisaaman waxey Shabaabka ku heystaan arimo diin ah oo iyaga ka qaldan sida Jihaadka iyo ku kufrinta Daaghuutka, sida dastuurka khilaafsan sharciga Alle iyo oofinta Xuduudaha Alle.
* Suufiyadu waxey ku faani jireen in ay yihiin culimadii diinta soo gaarsiisey Soomaalida, Ictisaamna waxey hadda ku faanaan in ay yihiin dadkii Tawxiidka soo gaarsiiyey Somalida.
* Suufiyada markii xaq loo sheego waxey dhihi jireen addoo dhalan ayaan culimo aheyn,Ictisaamna waxey dhahaan 40 sano ayaan dacwo soo wadney mirihii dacwada ayaad burburineysaa.
* Suufiayada Culiamdoodu haddii ay qalad cad ku dhacaan waxey ugu cudur daari jireen  in uu 80 sano diinta baranaayey ama masaajid dhisay, Ictisaamna haddii sheekhoodu qaldamo waxey dhahaan waa Sheekhii Tawxiidka meel heblaayo ka bilaabey ama  Jaamacadda waa raggii ugu horeeyey ee ka soo baxey.
* Suufiayadu waxey khiyaameen umaddii Diinta ku aminteay oo maalkoodii si sharci darro ah ku qaadan jireen, Ictisaamna sidoo kale shacabkii aminey ayay khiyaameen oo maalkoodii ka dhaceen.
* Suufiyadu waxey dadka ka qaadi jirtey xoolo ay ku gataan waxa ay rabaan sida Awlaad ama caafimaad  qaarkoodna waxey usheegi jireen riyo iyo in la khaliifey , Ictisaamna waxey dadka warsadaan taburucaat,waxeyna dadka ku dhahaan iibso ducada ayaga oo iska dhiga in ducadoodu maqbuul tahay dadkana u sheega qisooyin mala awaal ah oo haddii ay maal baxshaan ay helayaan wixii ay codsadaan sida caruur iyo caafimaad.
* Hadda waxaa yara muuqata is faham guud oo ka dhaxeeya labada qolo laakiin keebaa tanaasuley?


* Waxaan arkeynaa Ictisaam oo difaacaya shirkiga sida qabuuraha la caabudo oo dhahaya lama burburin karo.


* Ictisaam oo u dabaal  degaya ciidaha gaalada looga dayanayo sida  Kowda luuliyo, iyo suufiyo oo mawliidka u dabaal degeysa.
Intaas waa inta aan ka xasuustay arimaha ay iska shabahaan  labadaan kooxood oo waqti col ahaan jirey.
Wabilaahi atawfiiq
Abuu Muscab

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...