Saturday 5 February 2011

Guddiga Gurmadka Abaaraha Gedo oo Deeq ka qeybiyay deegaanka Fax-Faxdhuun.



amiirnuur.comGuddiga Gurmadka abaaraha Willayada Gedo ayaa maanta deeq biyo ah gaarsiiyay Deegaanka Fax-faxdhuun ee hoostaga Degmada Baardheere ee wilaayada Gedo.

Gurmadkii maanta oo ay ka faa'ideeysteen ku dhawaad 300 oo qoys ayaa dareen farxadeed ku abuurtay dadkii loo sameyay Biyo dhaaminta ayaa mujaahidiinta ku amaanay sida ay uga damqanayaan dhibaatada abaarta sanadkan ku dhufatay Xoolo dhaqatada Soomaaliyeed.

Deegaanada gargaarka lagaarsiiyay ayaa Waxaa kamid ah Galgasha, C/qeyr, Biyow, Ceelcaar iyo tuulooyin farabadan oo katirsan wilaayada, goobtii ay ka socotay biyo dhaaminta ayaa waxaa soo xaadiray boqolal qoys oo dhibaatooyinka abaarta ay wajiyadoodu ka muqdeen.

Maalin kahor ayey aheyd markii guddiga Gurmadka abaaraha wilaayada Gedo faah faahiyeen kormeerkoodii ku aadanaa Xaalada Dhabta ah ee ay abaartu sababtay ee ka jira tuulooyinka Wilaayada iyagoona ballanqaaday in gurmad deg deg ah u fidin doonaan shacabka Soomaaliyeed ee abaaraysan.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...