Wararka naga soo gaaraya Gobolka Galgaduud ayaa waxay sheegayaan in uu sii xoogeystey Khilaaf maalmahaan u dhaxeeyey Ahlu-Sunna wuxuu khilaafkaas bilowdey markii ay damceen in Gobolka ay tagaan Xubnihii ugu biirey Dowladda Federaalka ee Ahlu Sunna waxaana lagu waramey in qaar ka amid ah saraakisha Sar sare ee Ciidamada Ahlu Suunna ay arrinkaa ay diideen iyagoo sheegey in Dowladda Federaalka aysan wax ka fulin Heshiskii kal hore ku dhexmarey Magaalada Adis –Ababa iyaga iyo Dowladda Federaalka
Masuuliyiin ka tirsan Dowlada Federaalka oo uu ka mid yahay Wasiirka Arrimaha Gudaha Cabdi Shakuur Macalin Xasan ayaa ka mid dadka la sheegey in laga hor istaagey Tegista Qaybaha Ahlu –Sunna ka talisa Gobolka Galguduud hase yeeshee Gudoomiya Gudiga Fulinta ee Ahlu Suuna Maxa,ed Yuusuf Xeefow ayaa warbaahinta u sheegey in Masuulinta Dowlada Federaalka ay imaan karaan Gobolka si ay wax uga qabqaataan Dagaalada ay kula jiraan Xarakadda Alshabaab hase yeshee qaar ka mid Saraakiisha ayaa lagu waramey in ay ciidamadoodii kala soo baxeen Jiidda Hore ee DagaalkaSii Akhri
No comments:
Post a Comment