Friday 11 February 2011

Muxuu naga Mudan-Yahay Cumar Faaruuq

Saxaafadda madaxa bannaan ee Soomaalida heerka ay haatan gaarsiisan tahay,run ahaantii weligeed ma aysan gaarin, waxaana jiray is qabqabsi iyo wax isu quurid la’aan saxafiyiinta dhexdooda ah iyo sidoo kale milkiilayaasha warbaahinta madaxa bannaan oo awood saxaafadeed is bidayay, arrintaasoo sabab u Noqotay in saxaafadda Soomaalidu xilli hore yeelan weyso Urur kulmiya oo u dooda xuquuqdooda.

Ururkii ugu horreeyay ee saxafiyiinta Soomaalidu dhistaan oo lagu magacaabayay SIJU xaruntiisuna ahayd caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, ayna ku mideysnaayeen inta badan saxafiyiintii dalka Caanka ka ahayd xilligii Sagaashameeyadii ayaa waxaa Guddoomiye u noqday Saciid Bakar Mukhtaar oo idaacadda BBC-da wakiil uga ahaa Soomaaliya,Sii Akhri

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...