Saturday 5 February 2011

Maamulka Galmudug Oo Lagu Eedeeyay Wax Ka Qabasho La’aanta Abaaraha Ka Jira Koonfurta Mudug


Gaalkacyo (RBC Radio):- Maamulka Koonfurta Gaalkacyo ee Galmudug ayaa lagu eedeeyay in uusan waxba ka qaban abaaro xoogeystay oo ka jira koonfurta Gobolka Mudug.
Dadka ay abaaruhu saameeyeen oo u badan reer guuraa ayaa sheegay in ay cabasho xoogan u gudbiyeen maamulka koonfurta Gaalkacyo ee Galmudug si uu gurmad ugu sameeyo dadka abaaraha la ildaran, hase ahaatee aysan taasi suurta gelin.
Odayaasha dhaqanka qeybo ka mid ah oo warbaahinta la hadlay ayaa ka dhawaajiyey in aysan wax gargaar iyo kaalmo ah ka helin maamulka Galmudug, isla markaana ay cambaareynayaan sida aan loogu soo gurman ama maamulka uusan xil isaga saarin kaalmeynta dadka ku dhibaateysan dhulka miyiga ah ee ay maamusho Galmudug.
Maamulka Galmudug ayaan ka jawaabin eedeynta uga timid Odayaasha dhaqanka deegaanada koonfurta Gobolka Mudug, hayeeshee waxaa maamulku la daalaa dhacayaa dhaqaala yari heysata, mana awoodo waqtigani in uu kaalmeeyo dadka abaaruhu ku dhifteen ee ku nool koonfurta Gobolka Mudug.
RBC Radio.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...