- Tuesday, 15 February 2011 19:28
Ciidamada Xisbada oo shalay Howlgal ka sameeyay Shabeelaha Hoose ayaa gacanta ku dhigay kooxo burcad ah oo muddo sanada ah ka qowleysanayay dhulka Howdka ah halkaasi oo ay ka geysteen dhac iyo dilal ka dhan ah dadka musaafurka ee ku safra wadadaasi.
Meydka Horjoogihii Kooxda Burcadda ah ayaa isagoo lasalbiyay lasoo suray geed qurac ah oo ku yaal wadada hareeraheeda waxaana isha marinayay shacabkii uu wadada ku baaran jiray.
Saraakiisha Xisbada ayaa sheegay in ay dhaqan geliyeen mid kamida Aayadaha qur'aanka ee suuratul Maa'idda oo sheegaysa in Burcadda lasalbiyo qaarkoodna gacmaha iyo lugaha si Isdhaaf ah looga jaro, Mujaahidiinta Somaliya ayaa gacan bir ah kula dhaqma Burcadda iyo kooxaha Jawaasiista ah si ay cibro iyo waano qaadasho ugu noqoto qof walba oo ay naftiisa u qurxiso jidkaas foosha xun.
AmiirNuur Media
amiirnuurmedia@gmail.com
No comments:
Post a Comment