
Malaaq Cali Malaaq Showri Malaaq Colow
Malaaq Showri oo saxaafadda kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in masuuliyada dhacdadii shalay lagu dilay 4 ruux lagun dhaawacay 20 ruux uu qaadayo gudoomiyaha gobolka Banaadir oo isagu ahaa midkii isugu yeerayt dadka banaan baxayey kuwaasoo laga soo ururiyey degmooyin ka mid ah magaalada Muqdisho.
“Waa inuu qaadaa Tarsan masuuliyadii wixii [shalay] dhacay. Dawladana waa inayxilka ka qaadaa oo maxkamad lasoo taago”, ayuu yiri Malaaq Showri oo warbaahinta kula hadlay Muqdisho.
Malaaqa ayaa nasiib darro ku tilmaamay in maamulka gobolka Banaadir uu sugi waayo amaanka dad uu banaanbax ugu yeeray iyadoo dadka dilka geystayna ay ka tirsan yihiin DKMG ah, wuxuuna ku baaqay in falkaasi aan looga harin gacan ku dhiiglayaasha geystay sharcigana la horkeeno.Read More
No comments:
Post a Comment