Monday 14 February 2011

Muqdisho:-Qaban qaabada Kacdoon la mid ah kuwii Masar iyo Tuniisiya oo Muqdisho ka socda iyo qaar ka mid ah dhalinyaradii waday oo xabsi la dhigay.(Warbixin)

Muqdisho(Allpuntland)-Qaban qaabada Kacdoon dadweyne oo la mid ah kuwii ka dhacay dalalka Maser iyo Tuniisiya ayaa waxa uu ka socdaa magaalada Muqdisho iyadoona qaar ka mid ah dhalinyaradii qaban qabaada wax ka waday xabsi saaka la dhigay.

kacdoonkaan ayaa shalay waxaa ku dhawaaqay dhalinyaro reer Muqdisho ah kuwaasi oo shalay shaaciyey in barito oo maanta ku aadan Muqdisho ay ka sameeyn doonaan bananbaxyo waaweyn oo looga soo horjeedo Dowladda KMG iyo Xarakada Al Shabaab.

Dibadbaxyadaan oo saaka laga filayey in ay dhaliyarada ka sameeyaan magaalada Muqdisho ayaa waxaa soo baxay warar sheegaya in qaar ka mid ah qabanqabayayaashii banaanbaxa saaka ay qabqabqateen ciidamo ka tirsan Dowladda KMG gaar ahaan kuwa PS-ta oo xabsi dhigay.

Qaar ka mid ah dhalinyarada qaban qaabada dibadbaxyada waday ayaa noo sheegay in ilaa 7 dhalinyaro ah ciidanka Dowladda ay qabqabteen hasayeeshee waxa ay shegayaan in ay wali ka rajo dhigan inta xurinimada heeysata in isla maanta ay dhacaan banaanbaxyada waaweyn.

Inkastoo dhalinyaradaani ay abaabulayaan banaabaxyo la mid ah kuwii ka dhacay dalalka Tuniisiya iyo Masar islamarkaan xilka looga tuuray madaxweynayaasha labada dal ayaa hadana qaar ka mid ah dadka Muqdisho waxa ay qabaan in ay suuri gal ahaayn in Muqdisho shacab uu ku banaanbaxo dhinacyada Muqdisho isaga soo horjeeda.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa gacanta ku haya dhinacyo kala duwan sida Amisom, Dowladda KMG, Al Shabaab, Ahlu Sunna iyo Siyaasiyiin hubeeysan oo Dowladda taageersan hasa ahatee dhamaan waxa ay ka siman yihiin u turid la,aan shacabka Soomaaliyeed haba ugu darnaadeen kooxda Al Shabaab oo aad u feker adag.

Dadka qaarkii ayaa waxa ay leeyihiin ma jiro qof ku dhiiran karo in uu bananabax ka sameeyo degaan Al Shabaab ay jogaan waliba iyagoo qeyb ay ka yihiin Al Shabaab dhinacyada looga soo horjeedo Banaanbaxa.

Qaar ka mid ah dadka ayaa tusaale kuu siinaya in Al Shabaab si aan ka leex leexasho lahayn ay u dilaan shaqsi rayid ah oo ay qabtaan isagoo si hoose ugu hadaaqaya erey lidi ku ah fekerkooda iyo maamulkooda, waxa ayna leeyihiin qaar ka mid ah dadku waa ay adag tahay in Shabaabku ay yirahdaan ha ladaayo waa shacab iyo IWM.

Sidoo kale Ciidamada Amisom ayaa looga bartay in ay rasaas la dhacaan dad rayid ah oo maraya degaanada ay ku sugan yihiin ama wadooyinka ay isticmalaan, waxaana marar badan dhacday in ay dad badan si bareer ah ay u dileen iyagoo ku andacooda waan ka shakinay iyo wax la mid ah.

Sidoo kale Ciidanka Dowladda KMG ayaa iyana laayan bareer ah kula kacay dad shacab ah, waxaana ugu dambeeysay dhacdadii ka dhacay Isgooyska Banaadir ee Magaalada Muqdisho.

Iyadoo dad qaar ay qabaan fekerkaan ayaa hadana qaar kale waxa ay ku leeyihiin waa maqcuul in Dibadbaxyadii Maser iyo Tuniisiya kuwa la mid ah ah Muqsisho ka dhacaan mar haddii la helo bulsho dhan walba leh oo ay ka go'an tahay in ay dibadbaxa lagu dilo ama nabad ay ku noolaadaan.

Arintaan Bananbaxa ayaa waxa ay soo shaac baxday ka dib markii dhalinyaro ee Muqdiso ah shalay ay kulmeen iyagoona sheegay in ay taaageersan yihiin Banaanbaxyadii lagu maquuniyey Madaxweynahii Masar iyo Madaxweynaihii Tuniisiya islamarkaana xilka laga tuuray hasayeshee la arki doonee sida noqdo xaalka banaanbaxa laga qaban qaabinyo magaalada Muqdisho.


Xafiiska Wararka Allpuntland Muqdish

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...