Monday 14 February 2011

Somaliland oo Sheegtay inay Diyaar u Tahay Qabashada Shir lagu Heshiisiinayo Soomaaliya

Wargeyska EZEGA ayaa wareysi uu la yeeshay wasiirka arimaha dibada ee Somaliland Maxamed C/laahi Cumar ayuu ku sheegay in maamulkiisu uu diyaar u yahay haddii dhinacyada Soomaalida ay ogolaadaan in kulan lagu heshiisiinayo kooxaha siyaasada Soomaaliya ay ku qabanayaan magaalada Hargeysa.

Hargeysa (RBC) Sida uu shaaciyey wasiirka arimaha dibada ee maamulka Somaliland waxay markii ugu horeysay Somaliland shaaca ka qaaday inay diyaar u tahay dhexdhexaadinta dhinacyada Soomaalida oo iyadu ay ka madax banaan tahay.
“Somaliland waxay dooneysaa inay aragto nabad iyo xasilooni waarta oo ka aslaaxda geeska Afrika gaar ahaan Soomaaliya, waxaanu diyar u nahay in sida Jabuuti iyo wadamada kaleba uga qeybqaadano dhexdhexaadinta kooxaha Soomaalida”, ayuu yiri wasiirka arimaha dibadda Somaliland.
Wasiirka ayaa intaa ku daray in uu dhawaan ka qeybgalay kulan lagu qabtay West Sussex ee magaalada London ee wadanka UK kaasoo uu soo qabanqaabiyey ururka Wilton Park Conference kaasoo looga hadlay istraatiijiyada mashaariicda horumarka ee Soomaaliya.SII AKHRI

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...