Monday 14 February 2011

Qaramada Midoobey Waa inay Abuurtaa Guddi Caalami ah oo Wax soo baara

Soomaaliya: Jooji Dembiyada Dagaal ee ka socda Muqdisho
Qaramada Midoobey Waa inay Abuurtaa Guddi Caalami ah oo Wax soo baara
Human Rights Watch
Feb 14, 2011
(New York) – Baaxadda uu lahaa iyo xumaanta dembiyadii dhacay intii ay socdeen dagaalladii cuslaa ee Soomaaliya ka dhacay bilihii dhowaa waxay muujinayaan baahida loo qabo guddi heer caalami ah oo wax soo baara, waxa sidaa maantey sheegtey Hay’adda Xuquuqda Aadanaha u dooda ee Human Rights Watch. Baaritaan ay dhowaan samaysey Hay’adda Human Rights Watch ayaa lagu ogaadey in dhammaan dhinacyada kujira dagaalka hubaysan ay mas’uul ka ahaayeen weerarro aan loo meel dayin oo tan iyo bishii May 2010-ka loo gaystey rayidka. Weerarradaas qaarkood waxay noqon karaan dembiyo dagaal.
Dagaalka qaraar ee caasimadda Muqdisho, kudhexmarayey Kooxda Islaamiyiinta hubeysan ee al-Shabaab iyo Dawladda Federaalka kmg ah (TFG) iyo nabad ilaaliyaasha Midowga Afrika sideedii bilood ee ina dhaafey waxaa ku dhintey kuna dhaawacmay kumannaan dad rayid ah waxaana uu ku qasbey dhammaan dadkii deganaa inay ka cararaan caasimadda marka laga reebo intii ugu saboolsanayd.
“Dunidu muddo dheer ayey iska dhego-tireysey qasaaraha aan la qaadi karin ee degaalka Muqdishu uu u geysanayo dadka rayidka ah,” ayey tiri Rona Peligal, ku-xigeenka agaasimaha Afrika ee Human Rights Watch. “Guddi baaritaan oo caalami ah ayaa si deg-deg ah loogu baahan yahay si ay u soo baaraan dembiyo degaal oo dhinacyada oo dhami ay ka gaysteen Soomaaliyeed.”Sii Akhri

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...