Sidoo kale, munaasabadan waxaa joogay Ra’iisul Wasaare kuxigeenka ahna Wasiirka Gaashaandhigga Mudane C/xakiin Xaaji Maxamuud Fiqi, Wasiiru Dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Marwo Sahra Maxamed Cali, Agaasimaha Guud ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Mudane Abuukar Daahir Cismaan iyo saraakiisha Ciidanka Xooga.
Ra’iisul Wasaare kuxigeenka ahna Wasiirka Gaashaandhigga ayaa yiri “Waxaa maanta farxad weyn inoo ah in Ra’iisul Wasaaraha iyo anigoo ah Wasiirkii Gaashaandhigga aan xaruntiina idinku soo booqano haddii aad tihiin Naafadii xooga dalka Soomaaliyeed, taasina waxay ka turjumeysaa ahmiyadda weyn ee Xukuumada uu Ra’iisul Wasaaraha ka yahay Mudane Farmaajo ay siineyso taakuleynta iyo daryeelka iyo dib u dhiska ciidanka Xooga dalka Soomaaliyeed, si loo sugo tiirarka dowlad-nimada, loona xoojiyo amniga, kala dambeynta” ayuu yiri Mudane Fiqi oo sheegay in xukuumadu aaney marna ilaawi doonin ciidankii Qaranka iyo difaaca dalka xubnohooda ku waayay.Sii Akhri
No comments:
Post a Comment