Monday 14 February 2011

Sarkaal ka tirsan jabhadda UWSLF oo lagu dilay magaalada Gaarisa

Xalay goor fiidkii ah ayaa kooxo hubaysani ku dileen magaalada Gaarisa marxuum Maxamad Dubbad Xirsi.
Marxuum kaan la dilay ayaa ilo xog ogaal ahi sheegayaan in lagu dilay gurigiisa oo ku yaala magaalada Gaarisa kadib markii Kooxahani ay soo galeen gurigiisa goor cawaysinki ah halkaasna ay madaxa kaga toogteen Maxamad Dubbad Xirsi.
Waxaa dad goob jooh ahi xaqiijiyeen in dablayda dishay Maxamad ay tiradoodu dhan tahay 3 nin oo poliska Kenya aanu gacanta ku dhigin illaa hada.
Waxa dadkan goobjoogayaasha ahi ku dareen intaas in raggani ay madaxa duubnaayeen marki dilka toogashada ahi dhacayna ay ku carareen gaari yaalay guriga iridiisa. Dubbad oo ka mid ahaa saraakiisha jabhadda UWSLF una qaabilsanaa dhanka isku xiriirinta gobollada jabhaddu ka howl gasho ayaa dhowaan heshiis nabadeed la gaaray dowlada Itoobiya.Sii Akhri

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...