Fagaaraha Xeradii Maslaxa ayaa halkaas waxaa kula hadlay Afhayeenka Shabaab Sheekh Cali Maxamuud Raage (Cali Dheere) oo ugu horeyn sheegay in Saanada Milateri ay tahay tii u horeysay ee nooceeda gacanta ku dhigeen.
"Sidaad aragtan Saanada Milateri waxay aheyd kuwo isugu jira, rasaas, qoriga RBG, rasaasta BKM, qoriga Ak47, qorigan kale ee aad aragtaan waa qoriga Jabshaha oo waliba nuuc cusub ah, rasaastiisana ay la socoto"ayuu yiri Cali Dheere oo intaa ku daraya in wixii ay ka qabsadeen AMISOM kula dagaalamayaan.
Cali Dheere ayaa timaamay in hadaladii ka soo yeeray Mas'uuliyiinta Dowladda ee ahaa inay gaarayaan Jidka Sodonka ay taasi been tahay oo waxba ka jirin, isla markaana xataa aysan soo gaarin Jidka Wadnaha sida uu yiri.
"Waxaa aragtaan Meydadkooda, iyo wixii saanad ah, meelihii laga qabsaday ee fariisinka u aheyd ayaan agabyadan ka soo helnay, marka iska daayee inay Sodonka yimaadaan uma soo dhowaan Jidka Wadnaha"ayuu yiri Cali Dheere.
Sheekh Cali Dheere ayaa ugu baaqay shacabka reer Uganda in Madaxweynahooda Yuweri Museveni ay u doorteen mar kale xasuuqa wiilashooda, oo uu sheegay in miraha ay gurteen uu noqday inay arkaan Meydadkooda oo lagu jii jiidayo wadooyinka Muqdisho sida uu hadalka u dhigay.
Waxaa uu kaloo baaq u diray shacabka Soomaaliyeed iyo wilaayaadka Shabaab ee ku dhaqan Gobolada dalka, inay heegan buuxa u galaan, sidii ay isaga difaaci lahaayeen sida uu yiri weeraro qorsheysan oo ay Dowladda KMG iyo AMISOM ku soo qaadayaan.
Sheekh Xasan Dahir Aweys oo ka mid ah Saraakiisha Shabaab oo waayahan dambe ka maqnaa fagaaraha ayaa isna sheegay in Ciidamadan maanta meydadkooda soo bandhigeen iyo hubka ay sitaan inay ku soo duuleen dalka, loona baahan yahay in dalka laga saaro sida uu yiri.
"Cadawgan aad aragtaan waa nagu soo duuleen, shacabka Soomaaliyed waa ka guuleysan doonaan kuwa nagu soo duulay"ayuu yiri Sheekh Xasan Dahir Aweys.
Dagaaladii shalay ilaa maanta ka dhacayay Magaalada Muqdisho ayaa ahaa kuwo labada dhinac ay guulo kaga sheeganayaan, hase ahaatee waxaa muuqata in labada dhinacba uu gaaray ololka dabka ka dhex shidan, iyadoo Shabaabka soo bandhigeen wixii Idaacadaha ay horay uga sheegeen oo ahaa inay saanad iyo meydad ku qabsadeen dagaalka.







Hoyga wararka Somaliyeed
www.jowhar.com
jowharcom@hotmail.com
No comments:
Post a Comment