Sunday 20 February 2011

Fagaaraha Barxada Gaalkacyo Oo Maalintii Labaad Dibadbax Siyaasada Puntland Looga Soo Horjeedo Uu Ka Dhacay (Sawiro)

Cawil Maxamuud Cabdi
RBC Radio, Gaalkacyo
Cawil@raxanreeb.com
Gaalkacyo (RBC Radio):- Waxaa maanta markale dibadbaxayaal tiro badan ay isugu soo baxeen fagaaraha weyn ee barxada Magaalada Gaalkacyo kuwaasi oo soo bandhigay sida ay uga soo horjeedaan siyaasada maamulka Puntland ee ku wajahan gobolka Mudug.
Dadweyne farabadan oo ay weheliyaan mas’uuliyiin horey xilal kala duwan uga soo qabtey maamulka Puntland ayaa isugu soo baxay fagaaraha barxada Gaalkacyo, waxayna halkaasi ku soo bandhigeen dhaliilaha Puntland iyo sida ay uga gaabisay in ay wax u qabato shacabka Gobolka Mudug.
Mas’uuliyiin horey xilalka Wasiirada iyo Wasiiro xigeeno uga soo qabtey Xukuumada Puntland ayaa maanta dadweynaha kula hadley goobta fagaaraha waxayna dadweynaha u sheegeen in ay ka damqadaan sida maamulka Puntland uu sacabada uga laabtey arimaha Gobolka isla markaana uusan diyaar ugu aheyn in uu wax u qabto shacabka gobolka Mudug.
Wasiir xigeenkii hore ee Wasaarada Amniga Dowladda Puntland Mudane Faarax Cabdi Doorshe ayaa dadweynaha magaalada Gaalkacyo ku amaaney kacdoonka ay sameynayaan oo ay ku doonayaan in la helo maamul cadaalad ah oo gobolada dalka si siman wax ugu qeybiya si isku mid ahna wax uga qabta.
NABADDOON YAASIIN
Mudane Faarax waxaa uu dhaliilay doorka Puntland ee ku wajahan Gobolada Sool, Sanaag, Ceyn iyo Mudug iyo heshiiskii dhowaantan maamulka Puntland uu la gaarey maamulka Galmudug ee ay deriska yihiin, wuxuuna dhamaan arimahaasi ku booriyey shacabka in ay wax ka badalaan iyadoo sameynaya kacdoon.
Sii Akhri 

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...