Boosaso ( RBC Radio ) Waxaa Xilkii Laga Qaaday Taliyihii Qaybta Booliska Gobolka Bari Waxaana Xilka Looga Qaaday Wareegto Ka soo baxday Taliska Sare Ee Booliska Iyo Asluubta Puntland. Taliyiihii Hore Ee Qaybta Booliska Gobolka Bari Gaashaanle C/xakiin Yusuf xuseen iyo Ku xigeenkiisa Col: Cawil Axmed Jaamac Ayaa Xilka Laga Qaaday dhawaan Waxaana La soo magacabay.
Siciid Jamac Hurun Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Bari
Axmed Jaqanaf Waxaa Loo Magacabay Taliye Xigeenka Ciidamda Boliska Gobolka Bari.
Hadaba Masuuliyintani Cusub Ee Ciidamda Booliska Gobolka Bari ayaa waxaa ay sheegen In ay Wax badan Ka Qaban Doonan Arimaha amaanka Gudaha iyo Dhinaca Xoojinta Arimaha kala Duwan Ee Shacabka.
Waxaana Laga Wardhowrayaa Waxqabaka Taliskani Cusub ee Haatan Uu Soo Magacabay Taliyaha Ciidamada Booliska Iyo Asluubta Puntland Col: Cali Nuur.
RBC Radio
No comments:
Post a Comment