Saturday 5 February 2011

War degdeg ah:Dawlada Puntland oo si kulul uga soo horjeesatay xili kororsiga Baarlamaanka Soomaaliya.

aroowe:(Allpuntland)-Dawlada Puntland ee Soomaaliyeed ayaa markii ugu horaysay si kulul uga soo horjeesatay islamarkaasna codka canbaareynta ku dartay xili kororsiga ay dhawaan golaha Baarlamaanka ee Soomaaliya mudadii ku badsadeen,waxaana ay Puntland tilaabada ay qaadeen xubnaha baarlamaanka Soomaaliya ku tilmaantay mid dhanka aanan wanaagsanayn islamarkaasna aanan wax dan ah u hayn shucuubta Soomaaliyeed.

Kulan aan caadi ahayn oo ay golaha Wasiirada ee dawlada Puntland ay maanta ku qaateen aqalka madaxtooyada Puntland ee Garoowe oo uu shirgudoominayey madaxweynaha dawlada Puntland ayaa ay Puntland ka soo saartay sadex qodob oo culus kuwaas oo ay kamid ahaayeen in aysan Puntland ku farxin warka kasoo yeeray gudoonka baarlamaanka Soomaaliya islamarkaasna aysan Puntland sina ku qaadan doonin go’aankasta oo kasoo baxa baarlamaanka Soomaaliya.

Qodobadaan oo shirka aan caadiga ahayn ee wasiirada Puntland kadib uu warbaahinta u akhriyey wasiirka Tastuurka & arimaha federaaalka ee Puntland Cabdi Xassan Jimcaale ayaa kala ahaa sidan:-

• In xilligaan Soomaaliya oo ay ku jirto xaalad adag aan loo baahnayn kororsiimo si adkaynaysa xaaladda murugaysnayd oo dalka ku jiray taasoo u adeegaynaynin danaha Umadda Soomaaliyeed.

• Kororsiimada cusub waxay Umadda Soomaaliyeed ka jeedinaysa diyaarinta habsami usocodka howlgalka marxaalada kalaguurka.

• Dawladda Puntland ma aqbali doonto go’aan kasta oo kasoo baxa Baarlamaanka Federaalka kumeelgaarka ah.

Dhinaca kale golaha Wasiirada ee dawlada Puntland waxay markale taageereen islamarkaasna ay muujiyeen sida ay u garab taaganyihiin Tastuurka soomaaliya ee habka gobolaysiga ah ku salaysan,waxaana ay sheegeen in ay Puntland markasta diyaar u tahay la shaqeynta gudiga madaxa banaan ee tastuurka qaran Soomaaliya,waxaana ay qodobada labada ah ee looga hadlayo tastuurku kala ahaayeen:-
• Dawladda Puntland waxay mabda’a ahaan taageersantahay sameynta dastuur Federaal ah oo ay yeelato Umadda Soomaaliyeed iyadoo Madaxweynaha Puntland uu hore u daahfurey qabyo qoraalka dastuurka bartamihi sanadkii hore.

• Goluhu waxaa uu yaqiinsaday in qabyo qoraalka dastuurka aanu ahayn mid si cad uga tarjumaaya nuqul ahaan nidaamka Federaalka ah ee Dawladda Puntland hormuudka ka ahayd.

Warkan kasoo baxay golaha wasiirada ee Puntland wuxuu codka canbaareynta & dhaliisha ku biirinayaa islamarkaasna uu qeyb ka noqonayaa hadalo kulul oo kasoo baxay dawladaha caalamka kuwaas oo lagu muujiyey sida ay bulsho weynta caalamku uga xumaatay go’aankii uu dhawaan baarlamaanka Soomaaliya mudada sadexda sano ah ugu kororsaday jiritaankiisa kaas oo noqday mid ay wadamada caalamku la anfariireen.

Cabdiqani Xayir

Allpuntland

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...