Wednesday 16 February 2011

War deg deg ah: Dowladda KMG oo falkii shalay xabsiga u dhigtay 5-ruux uu ka mid ahaa Maxamed Dheere

Dowladda KMG ayaa daqiiqadi ka hor shaaca ka qaaday in xabsiga ay u taxaabtay ilaa shan ruux oo uu ka mid ahaa Gudoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Maxamed Dheere oo lagu soo eedeeyay inay ka dambeeyay falkii shalay lagu laayay dadkii banaan baxayay.

Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo oo caawa warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Ciidamada AMISOM iyo kuwa xooga dalka ay ku guuleysteen dadkii ka dambeeyay falkaas.

"Sida aan horay uga balan-qaadnay shacabka, waxaa Ciidamada AMISOM iyo kuwa xooga dalka ay ku guuleysteen inay soo qabtaan dadkii ka dambeeyay falkaas"ayuu yiri Ra'iisul Wasaare Farmaajo.

Sidoo kale Ra'iisul Wasaare Kuxigeenka ahna Wasiirka Gaashaandhiga C/xakiin Xaaji Fiqi oo isna ku xigsaday Ra'iisul Wasaaraha ayaa magac dhabay shaqsiyaadka xabsiga ay dhigtay Dowladda KMG, isagoo ka xusay Maxamed Dheere.

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo dhankiisa hadalka qaatay ayaa sheegay in dhamaan xubnahaas la hayo baaritaan ku socdo, isla markaana sida ugu dhaqsiyaha badan sharciga loo horkeeni doono sida uu hadalka u dhigay.

Madaxtooyada Villa Soomaaliya ayaa waxaa ka jiray guux badan iyo dhaq dhaqaaqyo xoog leh oo ku wajahnaa xariga xubnaha uu ka mid yahay Maxamed Dheere, waxaana durba la dareemay xiisad iyo kacsanaan dhinaca qabaa'ilka ku saleysan.

Magacyadada 5-ta ruux ee la haayo ayaa waxay kala yihiin:-Sii Akhri

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...