Wednesday 16 February 2011

Beesha Owbakar Gaabane oo iska fogeysay inay ku lug laheyd weerarkii lagu qaaday dadkii banaan baxayay

 Iyadoo warar soo baxaya ay sheegayaan in Ciidamo iyo Saraakiil loo xiray weerarkii shalay lagu rasaaseeyay dadkii banaan baxayay agagaarka Gurigii Hooyooyinka iyo ka soo horjeedka Tiyaatarkii qaranka ayaa falkaas waxaa dhinac isaga riixda Beesha Owbakar Gaabane oo ka mid ah Beelweynta Harti-Abgaal, kadib markii xubnaha la xiray ay ahaayeen kuwo beel ahaan ka soo jeeda.

Beesha Owbakar Gaabane oo kulan ay ku yeesheen magaalada Muqdisho maanta ayaa waxgaradka iyo Odayaasha waxay ka soo saareen war saxaafeed ay ku muujinayeen in aanay wax mas'uul ah ka aheyn falkaas beesha.

War saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in weerarkaas mas'uuliyadiisa uu dusha u ridanayo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Maxamuud Axmed Nuur (Tarzan) oo ay ku eedeeyeen inuu falkaas qeyb ka ahaa.

Beesha ayaa waxay si cad ah u cadeysay in wixii shalay ka dhacay nawaaxiga Gurigii Hooyooyinka aanay wax mas'uuliyad ah ku laheyn, iyadoo ka tacsiyadeysay dhimashadii soo gaaray dadkii ku le'day.

Gudoomiye Kuxigeenka dhinaca Ammaanka Warsame Joodax ayaa cadeeyay in ka hor inta aan la qaban banaan baxa la soo gaarsiiyay hanjabaad, kaasoo ahaa mid loogaga digayay in la qabto

Maalintii shalay ayay aheyd markii Ciidamo ka tirsan Dowladda ay si bareer ah u rasaaseeyeen dad banaan baxayay, oo taageersanaa dowladda Soomaaliya, waxaana banaan baxa soo qaban qaabiyay Maamulka Gobolka Banaadir.



Hoyga wararka Somaliyeed
www.jowhar.com
jowharcom@hotmail.com
jowharcom@gmail.com

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...