Gaalkacyo (RBC Radio):- Wararka ilaa iyo iminka la helayo ayaa sheegaya in la dilay afartii ruux ee lamaanayaasha Ameerikaanka ah iyo laba ka mid ah burcadii soo qafaalatey dalxiisayaashaasi.Burcada ayaa ku adkeysatay in ay madaxa ka toogtaan dalxiisayaasha ay soo qafaasheen kadib markii ay arkeen in aysan suurtagal ahayn in ay baxsadaan, waxaana halkaasi ku geeriyoodey dhamaan dalxiisayaasha ay gacanta ku hayeen oo kala ahaa Phyllis Macay, Bob Riggle, Scott Adam, Jean, kuwaasi oo maalmo ka hor laga soo qafaashey iyagoo dalxiisaya biyaha dalka Cumaan, isla markaana watey dooni dalxiis oo lagu magacaabo SV Quest.
Ciidamada badda ee dalka Mareykanka ayaa horey usii kaxeystay burcadbadeedii ay nolosha ku qabteen kuwaasi oo tiro ahaan gaaraya ilaa iyo 13 ruux, waxaana la filayaa in ay gaarsiiyaan dalka Mareykanka halkaasi oo maxkamad lagu soo taagi doono.
RBC Radio.
No comments:
Post a Comment