Friday 18 February 2011

WARGEYS: MUBAARAK WAXA UU AHAA DARBIGII UGU DAMBEEYAY EE HORTAAGNAA SAXWADA ISLAAMIGA

 

amiirnuur.comWargeyska lagu magacaabo Yacdiicoot Axranoot ee kasoo baxa dhulka Yahuudda ayaa daabacay  in Madaxweynihii talada laga tuuray  ee dalka Masar Maxamed Xusni Mubaarak inuu ahaa darbigii ugu dambeeyay ee hortaagnaa waxa ay ugu magac dartay  “ Duufaanta Saxwada islaamiga ah”.

Saxafiga Maqaalkaasi qoray oo lagu magacaabo Aytaan Harber ayaa sheegay  in Madaxweynihii hore dalka Masar uu ficil ahaan ahaa Nin Daaquut ah oo Faasid ah oo taageere u ahaa Heshiiska Nabad galyada ee Yuhuudda iyo Carabta. Waxaana Wariyaha Yuhuudiga ah uu tilmaamay in Mubaarak uu qasriga Madaxtooyada ku qaabili jiray Madaxda Yuhuudda.

Wariyaha Maqaalka diyaariyay waxa uu sidoo kale tilmaamay in Maxamed Xusni Mubaarak uu ka qeyb galay Aaskii Hogaamiyihii Yuhuudiga ahaa ee Raabiin, Sidoo kalena Yuhuudda uu ka haqabtiray  helitaanka Shidaalka ay soo saaro Dowladda Masar.

Qoraaga Maqaalka lagu daabacay wargeyska Yadiicoot Axranoot oo hadalkiisa sii wada wuxuu la yaab ku tilmaamay soo dhaweyntii hogaamiyeyaal reer galbeed ah ay soo dhaweeyeen Is-casiladii Mubaarak. Maamada daaquutkaasi uu ahaa taxaddiga ugu ballaaran ee dhibka iyo cadaadiska ku hayay fiditaanka Fikirka islaamiga ah, Wuxuuna ka digayaa in riditaanka Mubaarak ay khatar ku noqon doonto dalalka reer galbeedka.
“Waxay soo muuqdeen Hogaamiyeyaasha galbeedka iyaga oo muujinaya farxadooda Mudaaharaadkii ka socday fagaaraha Altaxriir. Haddii ay taasi dhab ka tahay waxay ku qosalayaan nafsadooda” ayuu hadalkiisa ku sii daray  qoraaga.

Ugu dambeyn qoraaga Maqaalka waxa uu cabsi ka muujiyay in Kooxaha Ikhwaanul Muslimiinka dalka Masar ay saameyn ku yeeshaan Siyaasadda dalka Masar, taasi oo sida uu sheegay khatar ku noqon doonta ammaanka dadka Yuhuudda ah ee xoogga lagu deegaameeyay dhulka Falastiinta.
Amiirnuur Media

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...