Friday 18 February 2011

Xarakada Mujaahidiinta Alshabaab oo loo soo jeediyay Fikrad ay ku heli karaan Shacbiyad xoogan.



amiirnuur.comTan iyo markii Xarakada Mujaahidiinta Alshabaab ay ku dhawaaqday in hadafalka Jihaadka ka socda dalka Soomaaliya uu yahay Jihaad Caalami ah oo ku qotoma soo noqoshada Khilaafada islaamiga ah iyo oogidda Shareecada islaamka ayaa waxay arrintaasi soo xoojisay kalsoonida iyo taageerada ay Shabaabul Mujaahidiin u hayaan Jiilka Jihaadiyiinta ah ee daafaha dunida ku dhaqan.


Marka aad booqato baraha Internetka Jihaadiga ah ayaa waxaad ku arkeysaa Maqaallo,fikrado  iyo Tasaasmiin lagu hambalyaynayo Mujaahidiinta Soomaaliya oo taageerayaasha Jihaadka Caalamiga ah ay ku taageerayaan dagaallada ka socda gudaha dalka Soomaaliya.

Haddaba mid ka mid ah dhallinyaradaasi taageersan Jihaadka Soomaaliya oo ka diiwaan gashan Muntadaha Shamuukhul Islaam ayaa Xarakada Mujaahidiinta Alshabaab waxa uu usoo jeediyay fikrad ama talo ay ku heli karaan Shacbiyadda iyo taageerada Shacabka ku dhaqan dalka Tuunis.  Waxaana taladiisa uu ku bilaabay:-

Baaq Ku socda Taajka Madaxyadeena Walaalaha Xarakada Mujaahidiinta Alshabaab:- Waxaa yimid Dowrkiina ku aadan Kacdoonkii Tuunis Si ay Islaami u noqon laheyd. Waxay burcad badeedda Soomaalida ah ay heystaan inkabadan 20-ruux oo udhashay dalka Tuunis waxayna ka dalbanayaan madax furasho, Suuro gal miyay tahay in aad ka qeyb qaadataan sii deyntooda, taasina ay dhacdo weyn oo warbaahineed ka noqoto dalka Tuunis, waxayna dhacdadaasi ay sii xoojin kartaa taageerada loo hayo dowladiina barakeysan.. waxaana suuragal ah in dhacdadaasi darteed ay laabtooda iyo quluubtooda dagto diinta  Islaamka”.  Walaalkiina Sayfullah.

Si kastab oo ahaataba Xarakada Mujaahidiinta Alshabaab oo looga bartay inay  aqabsho baaqyada iyo dalabaadka uga imaanaya Mujaahidiinta Caalamka ayaa la filayaa inay aqbasho baaqan cusub ee kaga yimid dhallinyarada ka taageersan Halganka Jihaadka Caalamiga ah ee ka diiwaan gashan Muntadayaatka Jihaadiga ah.

Amiirnuur Media
amiirnuurmedia@gmail.comThis e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it
amiirnuurmedia@yahoo.comThis e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it


No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...