Wasiirka ayaa sheegay in ay san jirin wax canshuur ah oo lagu kordhiyey ganacsatada ka howlgasha gobolada maamulka Soomaaliland, hase ahaatee ganacsatadu ay ka hor yimaadeen in ay ka qeyb qaataan horumarka maamulka iyo shacabka Soomaaliland, taasina aysan macquul noqon karin sida uu Wasiirka Maaliyada hadalka u dhigay.
Eng, Maxamed Xaashi Cilmi ayaa ka dhawaajiyey in ganacsatada Soomaaliland laga doonayo in ay wax bixiyaan, maadaama sida uu sheegay dadweynaha ay waxbadan ka qaadaan, wuxuuna intaa ku daray in marnaba aysan qaadan doonin in ganacsatadu ay u dhaqanto sidii dad aan la maamulin ayuu hadalkiisa ku daray Wasiirka Maaliyada Soomaaliland.Wasiirka Maaliyada Soomaaliland ayaa sidoo kale waxba kama jiraan ku tilmaamey in shaqada Dekeda magaalada Berbera ee Soomaaliland ay xirantay kadib markii ay gadood sameeyeen ganacsatadii Soomaaliland ee dekedaasi wax kala soo degi jirtay, wuxuuna Wasiirku cadeeyay in dekedu ay shaqeyneyso ganacsataduna ay sidoodii u isticmaalayaan.
RBC Radio.
No comments:
Post a Comment