Monday, 21 February 2011

Xaalada Deegaanka Kalshaale Oo Saaka Deganaansho Laga Dareemayo

Buuhoodle (RBC Radio):- Wararka saaka laga helayo degmada Buuhoodle ee gobolka Ceyn ayaa ku soo waramaya in xaalad deganaansho laga dareemayo goobihii shalay dagaaladu ka dhaceen ee Kalshaale iyo Hagoogane.
Xaalada deegaanadii shalay dagaalku ka dhacay ayaa ah kuwa degan, hase ahaatee waxaa socda isu diyaargarow xoogan oo ay wadaan labada dhinac ee dagaalku dhexmaray, kuwaasi oo dhaq dhaqaaq ciidan ka wada goobihii dagaalka ee shalay.
Waxaa wararku intaa ku darayaan in labada dhinac ay maanta ku mashquulsan yihiin aaska dadkii ku geeriyoodey dagaalka iyo gudbinta dhaawacyadii iyo maxaabiistii dagaalka lagu kala qabsaday, waxaana dhinaca Buuhoodle la keenay gelinkii dambe ee shalay dhimashada 8 ruux iyo dhaawaca 7 kale, waxaa sidoo kale degmada Burco la geeyay dhimasho iyo dhaawac aan la shaacin inta ay tiro ahaan le eg yihiin.
Dagaalka deegaankaasi ayaa waxaa ka hadley Madaxweynaha dowladda Puntland Mudane C/raxmaan Maxamed Faroole oo sheegay in dowladda Puntland aysan gacmaha ka laaban doonin dagaalka ka soconaya Kalshaale iyo Hagoogane, maadaama sida uu sheegay lagu soo duulay dhulka iyo dadka Puntland ee ku dhaqan gobolka Ceyn.
RBC Radio.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...